Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Baraarujintiisi Jimcaha Wax Ka Yiri Ramadaanka Fooda Nagu Soo Haya

Thursday - July 30, 2009

CWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcahan waxaan kaga hadlayaa Bisha RAMADAN ee barakeysan oo fooda nagu soo haysa, qofkii  caafimaad iyo nabad ku gaara oo Allah dartii u sooma, wixii la faray inuu ka fogaado ka dheeraada  abaalkiisa waa Jannada, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu naga  yeelo kuwii dartii u sooma.

Mahad oo idil Allaha xaqa lagu caabudo bay u sugnaatay, Rabigii kusoo dejiyay adoonkiisa NNK ha ahaato kitaabka barakeysan, una yeelin qalooc, Isagaa loogu mahadshaa nimco iyo naxariis oo idil kuna maneystay adoomadiisa u hogaansamay wixii uu amray, shirki iyo nifaaq ka fogaaday, cibaadada ku koobay Allaha keli ah ee xaqa u leh in la caabudo. Mar hadii aan galnay bishii Shacbaan, dhowr iyo labaatan maalmood ka hartay bishii barakada laheyd ee RAMADAN, waxa waajib noqotay inaan is xusuusino fadliga ay ku fadhiso bishan barakeysan. Dadka intooda badan sida ay la socdaan waa bishii Qur'anka  soo degay si loogu hanuunsamo oo loo kala saaro xaqa iyo baadilka, malag JIBRIIL wuxuu bari jiray rasuulka suuban Qur'aanka bisha Ramadan, umada islaamka ahna waxey badiyaan akhrinta Kitaabka Allah bishan barakeysan, sida loo badan yahay dadku waxey ku dadaalaan iney khatimaan mar ama laba ama ka badan qofba sida uu u dadaalo, waxaan markaa oran karnaa bisha Ramadan ee barakeysan waa bishii Qur'aanka boorka laga jafi jiray maadaama sanadka intiisa badan in yar oo Allah u naxariistay mooyee dadka intooda badan ay ka haajiraan oo ay ku mashquulaan howsha dunida ee u gaarka ah sanadka intiisa kale.

Sidii Allah tilmaamay Qur'aanka wuxuu hanuun u noqdaa dadka Allah aaminay ee lagu magcaabay Mutaqiin (kuwa Allah ka cabsada), si ay uga gudbaan mugdiga shirkiga, jahliga iyo dembiga oo ay ku jireen, una gudbaan iftiinka Allah keligii la caabudo iyo Tawxiidka, laga gudbo jahliga oo loo gudbo aqoonta iyo Allah oo qura in cibaadadiisa loo jeesto, si ay ugu toosto umuurtooda dunida iyo mida Aakhiro, marka ay sidaa yeelaana Allah agtiisa looga qoro ajar weyn iyo dembi dhaaf.

Qur'aanka sidii Allah noogu sheegay kitaabkiisa waxa weeye wax lagu waano qaato, iyo dawo ay ku bogsooto waxa feeraha ku sugan,oo qofka Allah aaminay uu ka bogsoodo shakiga, kufriga iyo cudurada halista ah ee haleela Qalbiga iyo jirka, hanuun iyo naxariis loogu naxariistay kuwa Allah aaminay.  Dawadaa waxa keli ah ee ka fa'ideysta dadka Mu'miniinta ah ee qalbigooda saafi ka yahay Shirkiga, kuwa Allah ku kufriyay waxaan aheyn khasaaro uma kordhiyo.

Waxa tusaale noogu filan sidii uu kusoo hanuunay * Al Imam Al Fudhail Bin Cayaadh*  Allah ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin dadka u istaag Jidka oo dhaca , waxa sabab looga dhigay inuu soo hanuuno markuu maqlay ayad ka mid ah quraanka oo dhegta ku dhigay isaga oo ku dhowraya gidaar Jaariyad uu jeclaa, qof akhrinaya Aayadan *** Alam Ya'ni Liladiina Aaamanuu An Takhshaca Quluubahum Li Dikri Allah, Wa Maa Nazala Minal Haq****  markuu maqlay qowlkaa buu yiri Balaa Yaa Rabi  " Haa Ilahow" waa la gaaray wakhtigeedii, halkii buu ka laabtay, markii la gaaray habeenimadii wuxuu maqlay isaga oo jooga meeshii dadka uu u fariisan jiray dad safar ah oo isku haya waagu hanoo baryo iyaga oo ka baqaya Al Fudhail, kuwo kalena ay leeyihiin aan dhaqaajino hada, markuu maqlay hadalkooda wuxuu yiri: "aniga habeen oo idil waxaan ku jiraa Allah oo aan Caasiyo, horteydana waxa ah dad aniga iga baqaya inaan dhoco, Allow waan kuu towbad keenay ee iga aqbal", sidaa baa ninkaa caalimka markii dambe noqday kusoo towbad keenay, wixii ka dambeeyay wakhtigaa Allah qalbigiisa ugu soo hanuunshay Ayad ka mid ah Qur'aanka, inagana tiro aan la koobi Karin ayaan maalin walba maqalnaa ama akhrinaa, inta qalbigoodo ku khushuuco way yaryihii, Allow naga yeel kuwa marka ay maqlaan qowlkaaga qalbigoodu ku dabco oo ku waantooba. Waxaan kaloo Alla ka baryayaa inuusan naga dhigan kuwa ku sifoobay ayadan *** Wa Qaala Al Rasuulu Yaa Rabbi Ina Qowmii Itakhaduu Hadal Qur'aani Mahjuuraa***.

Bisha Ramadan ee barakeysan waxa ka mid ah faidada ku jirta sida Suubanaha noo tilmaamay in caafimaad jirka iyo Dhimirka laga helayo isaga oo yiri: *** Suumuu Tasaxuu***, sooma si aad caafimaad u heshaan, sida la ogyahayna oo ay sheegeen culimada caafimaadka u kuur gala Soonka iney ku dhantahay caafimaad oo idil, sidaa darteed waxa waajib ah in lagu dadaalo soonka bisha Ramadan, marka laga reebo dadka bukaanka ah ee aan u dulqaadan karin, iyo qofka safarka ah mooyee.