Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Caanaha Geela Oo Ka Hortaga Cudurada Kansarka Ee Ku Dhaca Afka,Cunaha, Mindhicirka By Hersi Osman

Wednesday - July 29, 2009

"Waxyaalaha mudo aad u dheer  kamid ahaa quutal-yowmka caafimaadka qaba ee dunida Carbeed maalin walbaale laga isticmaalo ayaa waxaa la rajeynayaa in mustaqbalka dhow ay nasiib kaa la mida helaan Wadamada galbeedka Yurub iyo Woqooyiga America". ayaa lagu bilaabay Macluumaad lagu lafa guray Caanaha Geela.

Aqoonyahano ukuurgalay baadhitaanona kusameey waxay kutilmaameen in Caanaha geelu  hodan kayihiin Vitamiino aad u badan iyo waxyaalo muhiim u ah Jidhkeena iyago kutilmaamay Quud aad tayadiisu u sarayso marka la eegayo caafimaadka.
Faalo ay Hay'ada Cuntada Aduunka ee FAO kasii deysey Idaacada BBC-da qaybteeda Online-ka ayay kaga warameen inay soo waaridida Caanaha-geela aad u danaynayaan qaar kamida Dukaamada waaweyn ee dunida ugu caansan Sida: Harrods,Fortnum & Mason.
 
Aqoonyahanada baadhitaanada kusameeyey Caanaha geelu waxay isku raaceen in Caanaha geela oo dha-dhan ahaan kayara dhanaan kuwa  Lo'da  qani kuyihiin Vitamiinada B iyo C, Macdanta Birta ee kujirtaana tobanjeer kabadan tahay kuwa caanaha Lo'da laga helo.Sidoo kale waxay dadk aqoonta fiican u leh arimaha kutaxaluqa quudka kutilmaameen iyagoo kaduulaya Kaalshiyamka oo aad ugu badan caanaha geela aadna ugu yaryihiin maadooyinka baruurta  sameeyaa arin  baahideeda leh in gacmo furan lagusoo dhaweeyo caafimaadkana waxtar buuran u leh si loogu kaabo Quutal-daruuriga.

Waxay kaloo Culimadu isla meel dhigeen baadhitaanadoodana kuxaqiijiyeen in Maadooyinka kujira Caanaha geelu lidi kuyihiin xanuunada Kansarka,HIV/Aids, Alzheimer iyo Hepatitis C ,Arintaasi waxay usii gogol xaadhay kuna sii dhiiri gelisey aqoonyahanada in ay baadhitaano dheeraada ugu sii gonda degaan si ay wax uga ogaadaan in Caanaha geela laga heli karo Maadooyin kale oo waxtar u leh kahortaga Diabetes-ka (macaanka) iyo Cudurada Wadnaha kudhaca.Waxa iyana jirey Wiigagii lasoo dhaafay warar kale oo sheegayey in Dhakhaatiir Holandiis iyo Jarmal lihiba si kala gooni-gooni ah uga heleen Caanaha Geela Maadooyin lagu daaweyn karo Asmada iyo Dhiig-karka.Nasiib darose aanan waqtigan xaadirka ah halkan kusoo xigan karin.
 
http://www.bleibfit.at/kamelmilch_liefert_antikoerper.phtml

Sidii Daawo ahaan maloo isticmaali karaa Caanaha Geela?.

Faalooyinka qaar waxay isweydiinayaan Caanaha geelu Dawo manoqon karaa.
Hadii Caanaha geela labarbar dhigo bay leedahay macluumaadka kasoo baxay baadhitaanadii kala duwanaa ee lasameeyey Caanayowga laga maalo Idaha,Lo'da,Riyaha iyo Fardaha waxaa kasoo baxay in Caanaha Geelu yihiin kuwa Qofku ugu qabatimi ogyahay,waxaanay dhamaan Caanayowgaa kale kaga tageen meel cidla ah markii laqiyaasay Protein-ada (fadlan hoos ka akhri waxa yahay Protein-ku) kujira Caanaha geela iyo waxyaalaha ay xambaarsan yihiin oo wax loo dhigaa jirin dhan walba.
Tusaala ahaan waxaa haba yaraatee laga waayey Caanaha Geela Maadada loo yaqaano  Beta-Lactoglobulin iyo weliba Maadada kale ee loo yaqaano Beta-Casein lagana helo Caanaha Lo'da (labaduba waxay kiciyaan Alergiga).

Dhanka kale Caanaha Geela waxaa laga helay Maadada loo yaqaano Immunglobuline (waa nooc kamida Proteinada oo difaac adag leh iyadoo ay weliba intaa udheertahay waxay Maadadani kor usoo qaadaa marka difaaca Jidhkeenu daciifo ) iyo weliba Maadooyin kale oo lidi ku ah noocyo fara badan oo Bakteeriya ah.
Geba gebadii markii laysku soo kiciyey  waxay noqdeen Caanaha Geelu kuwa keliya ee ugu dhowaaday Caanaha Ubadku Naaska Hooyada kanuugaan,tusaale ahaan hadaynu soo qaadano waxa kujira Caanaha Geela Maadooyin joojiya, kahor taga ama baabiiya waxa loo yaqaano Morbus Crohn (fadlan hoos ka akhri waxay tahay Morbus Crohn) inkasta oo aan baadhitaanadan lagu xaqiijin halka ay ka imanqayaan ,sida ay wax ula dagaalamayaan qaab ahaan loona magac bixin,waxase la ogyahay in Caanaha laga nuugo Hooyada ay kujiraan Maadooyin kuwan lasansaan ah oo kahor taga noocyo badan oo Cuduro ah oo ay kamid yihiin Kansarka kudhaca Afka,Cunaha,Hunguriga,Mindhicirka etc...etc.
 
Morbus Crohn waa Nabaro asalkooda kabilaabma Mindhicirka ama qayb kasta oo kamida Dheefshiidka,ama kabilaabma Afka ugana sii gudba Hunguriga gaadhina kara ilaa meesha u dambaysa Mindhicirka  haba u badnaadeen qaybta u dambaysa Mindhicirka yar (Ileum) ama halka uu kabilaabmo Mindhicirka weyni (Kolon) aakhirkana isu bedela noocyo kamida Kansarka iyo Gaasteriga..iyo dabcan Xanuuno kale oo oo kudhaca Uurkujirta...etc.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa Nimco waliba nusqaanteeda lehe waxa iyana baadhitaanadan lagu ogaadey in hayaraato hase badnaatee Caanaha Geelu lumiyaan noocyo fara badan oo Macdano iyo Vitamiino ah marka lakululeeyo ama lakariyo halkaana waxaa kadhalatay su'aasha odhanaysa sidee waqti dheer loo kaydin karaa caanaha Geela iyagoo aanu ku iman wax isbedel ahi loona gaadhsiin karaa Wadamo fog-fog,maadaama aynu wada ognahay in Dadka Geela dhaqdaa ay badiyaa kadurugsan yihiin Magaalooyinka?.

http://www.kamelhof.de/510488985712f0405/51048898571325f25/index.html