Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Caanaha geela

Wednesday - July 29, 2009

Faalooyinka qaar waxay isweydiinayaan Caanaha geelu Dawo manoqon karaa.
Hadii Caanaha geela labarbar dhigo bay leedahay macluumaadka kasoo baxay baadhitaanadii kala duwanaa ee lasameeyey Caanayowga laga maalo Idaha,Lo'da,Riyaha iyo Fardaha waxaa kasoo baxay in Caanaha Geelu yihiin kuwa Qofku ugu qabatimi ogyahay,waxaanay dhamaan Caanayowgaa kale kaga tageen meel cidla ah markii laqiyaasay Protein-ada (fadlan hoos ka akhri waxa yahay Protein-ku) kujira Caanaha geela iyo waxyaalaha ay xambaarsan yihiin oo wax loo dhigaa jirin dhan walba.
Tusaala ahaan waxaa haba yaraatee laga waayey Caanaha Geela Maadada loo yaqaano  Beta-Lactoglobulin iyo weliba Maadada kale ee loo yaqaano Beta-Casein lagana helo Caanaha Lo'da (labaduba waxay kiciyaan Alergiga).

Dhanka kale Caanaha Geela waxaa laga helay Maadada loo yaqaano Immunglobuline (waa nooc kamida Proteinada oo difaac adag leh iyadoo ay weliba intaa udheertahay waxay Maadadani kor usoo qaadaa marka difaaca Jidhkeenu daciifo ) iyo weliba Maadooyin kale oo lidi ku ah noocyo fara badan oo Bakteeriya ah.
Geba gebadii markii laysku soo kiciyey  waxay noqdeen Caanaha Geelu kuwa keliya ee ugu dhowaaday Caanaha Ubadku Naaska Hooyada kanuugaan,tusaale ahaan hadaynu soo qaadano waxa kujira Caanaha Geela Maadooyin joojiya, kahor taga ama baabiiya waxa loo yaqaano Morbus Crohn (fadlan hoos ka akhri waxay tahay Morbus Crohn) inkasta oo aan baadhitaanadan lagu xaqiijin halka ay ka imanqayaan ,sida ay wax ula dagaalamayaan qaab ahaan loona magac bixin,waxase la ogyahay in Caanaha laga nuugo Hooyada ay kujiraan Maadooyin kuwan lasansaan ah oo kahor taga noocyo badan oo Cuduro ah oo ay kamid yihiin Kansarka kudhaca Afka,Cunaha,Hunguriga,Mindhicirka etc...etc.
 
Morbus Crohn waa Nabaro asalkooda kabilaabma Mindhicirka ama qayb kasta oo kamida Dheefshiidka,ama kabilaabma Afka ugana sii gudba Hunguriga gaadhina kara ilaa meesha u dambaysa Mindhicirka  haba u badnaadeen qaybta u dambaysa Mindhicirka yar (Ileum) ama halka uu kabilaabmo Mindhicirka weyni (Kolon) aakhirkana isu bedela noocyo kamida Kansarka iyo Gaasteriga..iyo dabcan Xanuuno kale oo oo kudhaca Uurkujirta...etc.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa Nimco waliba nusqaanteeda lehe waxa iyana baadhitaanadan lagu ogaadey in hayaraato hase badnaatee Caanaha Geelu lumiyaan noocyo fara badan oo Macdano iyo Vitamiino ah marka lakululeeyo ama lakariyo halkaana waxaa kadhalatay su'aasha odhanaysa sidee waqti dheer loo kaydin karaa caanaha Geela iyagoo aanu ku iman wax isbedel ahi loona gaadhsiin karaa Wadamo fog-fog,maadaama aynu wada ognahay in Dadka Geela dhaqdaa ay badiyaa kadurugsan yihiin Magaalooyinka?.


http://www.kamelhof.de/510488985712f0405/51048898571325f25/index.html


Waa maxay Protein-ku?.
 Protein-ku ugu horeynba waxaynu odhan karaa waa aasaaska Jidhka waxaana looga baahdaa meel kasta oo Unug kadhalanayo ama kadhambalmayo
hanoqoto Muruqyada Neerfayaasha...etc
- Waa Gaadiidka xambaara Ogsegiinta gaadhsiiyana qaybaha kala duwan ee Jidhka.
- Waxay Jidhka u kaydiyaan Macdanta Birta (fe),
- Waxay suurtageliyaan dhaq-dhaqaaqa Muruqyada,
- Waxay xoojiyaan dhamaan Xubnaha kala jiidma sida: Seedaha,Muruqyada,Mergiyada..etc.
- Waxay kaloo Xoojiyaan difaaca Jidhka.


Waxaa soo diyaariyey qaybo kamida soo turjumey
Hersi Osman
Frankfurt am main/Germany
[email protected]