Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ex Madaxweyne Charles Taylor Oo Lagu Eedeeyey Dad-Qalnimo Iyo Dad Uu Cunay

Tuesday - July 28, 2009

Madaxweynihii hore ee Laybeeriya Charles Taylor oo ay iminka dacwad wejiyo badani lihi uga socoto Maxkamada Hague ayaa diiday oo wax laga matago ku tilmaamay eedeeymaha ku saabsan in uu cunay Hilib Dad (Human Flesh).
Nin horay Charles Taylor gacan yare ugu ahaa oo isagu Maxkamada markhaati ahaan uga sheegay in Taylor cunay hilib dad oo dheylo ah ayaa ku dooday in uu cadeyn u hayo falkan dadqalnimada ah ama dad-cunnimada ah.

Laakiin Charles Taylor ayaa ninkan markhaatiga ku furaya ku sifeeyay Jaahil aan wax aqoon ah laheyn ilbaxnimadana ka fog, qaab khiyaano oo shirqool ahna ku shaqeeynaya; "Waxaas markii aan maqlay waa matagi gaadhay" ayuu hadalkiisi ku sii daray Charles Taylor, hogaamiyihii hore ee dalka Laaybeeriya.