Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Orodyahan Maxamed Faarax Oo Kaalinta Kowaad Ka Galay Tartankii Orodka Ka Dhacday Dalka Ingiriska

Monday - July 27, 2009

London: Ciyaaraha maratonka 5ta kun ee mitir lagu qabtay caasimada dalka Ingiriiska, ee London, ayaa waxaa sanadkan ku guuleystay orodyahan Soomaaliyeed oo u ciyaara dalka Ingiriiska, Maxamed Farah.

Tartankii shalay lagu qabtay magaalada London ee xarunta UK, ayaa waxaa kasoo qeyb galay wadamo badan oo caalamka ah, waxaana kamid ahaa orodyahanada halkaasi ka qeyb galay labo orodyahan oo Soomaaliya kasoo jeeda balse, u kala ciyaara dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Maxamed Faarax oo kaalinta 1aad galay ayaa u ciyaarayey dalka UK, magaalada Londona waa xaruntiisa, orodyahankan caanka ah ayaa horey bishii May ee sanadkan ku guuleystay ciyaaraha maratonka 10-ka kun ee mitir oo ka dhacay magaalada London, asagoo markaasina xiligaasi jabiyey rekordka orodka ee cabirkaasi 10ka kun ee mitiri, ee dalkaasi Ingiriiska, kadib markii uu orodkiisa ku dhameeyey 28:03 daqiiqo.

Maxamed Faarax ayaa bishii Maarso sidoo kale ku guuleystay orodka dheer ee 3 kun ee lagu ciyaaraha garoomada gudahooda ee dalalka Yurub.

Waxaa sidoo kale tartankii orodka ka qeyb galay Cabdixakiim Maxamed oo u ordayey dalka Maraykanka, hase yeeshee Cabdixakiim ayaa galay kaalinta 6aad ee tartankii shalay ee London.