Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xog Loo Qaateen Ah Oo Aan Ka Helnay Dhinaca Dawlada Fransiiska

Sunday - July 26, 2009

Baris- Jabuutti: Dawlada fransiiska camanka tuureysa ayaan weli qorshaheeda si fiican u  dhameystiran sidi ay ku soo furan lahayd saraakiisheeda afduuban,waxaana warku sheegaya in warka dhaanka-dabagaale ee Soomaalidu hor socoto ay fransiisku meel u raacaan la yi'hiin waa dad madadaalis iyo beeno darandoorinaaya oo ay ku dhagrayaan dawlada faransiiska ayey yiraahdeen  taasna waxay keentay in saraakiisha sirdoonka fransiiska ay warka Soomalida gaar ahaan maamulka Shiikh Shariif gortay maqlaan kaba mashiiqsadaan.

Dawlada fransiiska oo ku hawlan sidi ay ku ogaan-lahaayeen xogta sarakiishaas meesha ay ku suganyihiin ayaa maalmahaan kharaj badan ku bixisa oo ay siisa Niman af-maal ah" lobbyist" kana soo jeeda beelaha Mogdisho oo ku andacooda iney yihiin halyeyda reer Qurac iyo reer dharaar xirir sokeeyana la leeyihiin raga waxa afduubtay wax badana ka ogaankaraan... waxaase sirdoonka faransiiska ugu dambeyn u soo baxday in adeegayasha"Agent" ee waraka lacgta ku qaata ay yihiin faataadhuglayaal ka muuqato aamindaro iyo marin-habaabis waxna aysan ka ogaankarin halka afduubayaasha lagu haysto balse ay dantooda tahay lacag ay maroojiyaan ayey fransiiskaas warkooda ku xuseen.

Sirdoonka fransiiska oo aad uga digtoon qalad qalad ka daba-gee oo ka baqeysa in ay dhacdo qalooc aan la saxi karin waxay go,aansadeen ineysan ku dagdagin sheekada iyo af-maalka Soomaalida ee ku jahaysan dhagar iyo maran-habaabis, waxayse amuuri ka dhacday markii ay la xariireen Sirdoonka CIAda oo ka codsadeen sidi gacan looga siin lahaa xogta saraakiisha afduuban taaso hay'adu ka aqbashay hsa-ahaate wararkii ay u soo gudbiyeen ay noqdeen kuwa horay lacag looga qaatay sirdoonka faransiiska oo iska maawelis ahaa, waxaana dawlada faransiiska halkaa ka cabiratay in Mareykan luga dheere iyo Talyaani caga-baruur ayba arimaha Soomaaliya wax ay ka ogyihiin aysan jirin balse ay ku habsaameen warar ay keenaan kooxo luqadaha shiisheeye ku wanaagsan oo xagasha mareykanka iyo reer Yurub lagu maalo yaqaana . 

Amuurta kale ee sirdoonka fransiiska iyo dipolomaasiyintooda ay la yaabeen ayaa ah in Niman Soomaali ah ay hoteelada iyo xafisyada Nairoobi ku soo booqdaan oo ku yiraahda Ma Rabta Inaan Ku noqdo basaas?... Dipolomaasi arintaa ka fajacsan ayaa ku sheekeeyey in ay dawladaha aduunka ku adagtahay sidi qof lagu oran-lahaa basaas noo noqo... laakiin Soomaalida waxaan uga yaabanahay iyagaaba saf soo gala oo Voluntary ku ah in qaabkaas loo adeegsado.