Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qaraxi La Baday Aarkii Xaashi Ceyrow Oo Ay Ka Dambeeyeen Hay'ada Care, Kwa Kalana Weli U Si Shaxaya

Friday - July 24, 2009

Muqdisho- Hay’ada samafalka calaamiga ah ee CARE waxay si cad u beenineysaa edeeynta ka dhanka ah ee ay ku soo saartay Harakat Al-Shabaab Mujahidiin war saxaafadeedkii maalintii isniinta ee taariikhdu aheyd 20 July 2009 ay ku Eedeeyeen in ay Care ka dambaysay basaasida dhaqdhaqaaqida marxuum Xaashi Cayroow.

CARE waa hay’ad samafal oo caalami ah, mana faragashato arrimo diimeed, waa hay’ad ay Xarunteedu tahay wadanka Switzerland, shaqadeeduna tahay u gargaarida bulshooyinka tabaleeysan kuwooda ugu liita, sidii ay sare uga kici lahayeen, macluushana uga bixi lahayeen ayay Care ku tiri warsaxaafadeed ay shalay soo saartay.

CARE waxay ka shaqaysaa ku dhawaad 70 wadan oo caalamka, siyaasad ahaan hay’adu waa mid dhexdhexaad ah oo dhinacna aan raacsaneyn, mana jirto caqiido ama mabda’ gaar ah oo lagu hogaamiyo.