Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Somaalida Ku Nool Maleesiya Oo Ka Ashtakooneysa Web-sitka Daynile By Saciid X. Abdi "Macruuf"

Friday - July 24, 2009

Malaysia- Dhamaan mujtamaca kala gadisan ee  ku nool dalka Malaysia, sida Ardeyda tacliinta kalkaas wax ka barata,  wax garadka, Jaaliyada iyo bulshada qeybaheda  kala duwan ayaa aad uga carooday war naxdin leh oo been abuur cad ah oo lagu daabacay website ka Dayniile(23 July 2009).
Warkaan naxdinta leh ee been abuurka qaracanka ah ah ayaa website cinwaan uga dhigay shaqsi Soomaliyeed oo kooxa Malaysian ah sida xoolaha oo kale  u jarjareen , isagoo website-kaas soo muujiyay sawiro naxdin xambaarsan oo muujinaya muuqaalka nin madow ah oo jirkiisa xubin xubin loo go goyay  iyada oo loo adeegsanayo midiyo sida xoolaha oo kale .

Aqoonyahano iyo wax garad  qaarkood ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaan ayaa dabagal iyo baaritaan ay ku sameeyeen  dhabnimada warkaan, ayagoo si wacan ugu kuur galay hanaanka warka uu website u qoray. aadna ugu fiirsaday muuqaaladda naxdinta leh  shaqsiga  lagu la kacay iyo waliba qolyaha kula kacay iyo waliba meesha ey joogaan, ayaa waxa ey soo saareen qodobadaan: 

1-  In marnaba sooragal noqoneen ama eysan dhaceenin  in falkaan arxan darada ah iyo wax  lamid ah ey dadka reer Malaysia ey ku kacaan fulintiisa kaba siidan in ey ku fuliyaan ruux muslim ah.

2- Dadka falkaan arxandarada ah fuliyay mahan Malaysian, waliba goobta lagu fuliyay ma ahan Malaysia waxaa cadeyn ah baaris aan ku samenay magaca “SAWANG” oo ah mid ku qoran T-shirt- ga (FUNANADAHA)....qolyaha fuliyay falkaan, magaca ayaa ah Degmo ku taala waqooyi-bari ee Dalka Bhutan oo ah Boqortooyo yar oo ku taal Bariga Buuraha Himalaya, Xuduudna la wadaagta India iyo China.

3- Website-ku Ma xusin sida ey dhacdadaan naxdinta leh u dhacday oo ey qolyahaan u fuliyeen iyo meesha ey sida rasmiga ugu dhacaday(xaafad ama deegaan ) marka laga soo tago Malaysia oo carab ku dhufteen taa oo ku tusaysa  in ey iska xariiqeen war eysan wax xog ah ey san ka heysan.

4- Website marnaba ma qorin ruuxa warkan diyaariyay mana xusin magaca hadii uu jiro qof usoo gudbsiyay  taa oo iyadana ina tusaysa ey jirto sababta keenta en la qariyo ama aan lagu xusn war qofka qoray.

5- Website sidoo kale ma soo hadal qaadin xusida magaca shaqsiga lagula kacay falka naxdinta leh.