Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Casharkiisi Jimcaha Ku Soo Qaatay Qiiso Xiiso Leh Oo.......

Thursday - July 23, 2009

ACWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcahan oo aan kaga hadlayo dood dhex martay macalin iyo arday...Doodaas waxay ku bilaabatay markii macalinku ardadii fasalkiisa uu su'alay Yaa Sharta Abuuray?, isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu ku daray sow Allah waxkasta ma abuurin?, ardadii waxey ku jawaabeen haa Allah baa abuuray waxkasta, macalinkii baa yiri hadaba sharta Allah baa abuuray, miyaan qaanuunku aheyn in afcaasha qofka aysan muujineyn waxa uu yahay? miyeysan midaa muujineyn qofkii shar abuuray inuu yahay Shareer? hadaba waxey midaa muujineysaa in Allah uu yahay Shariir maadaama shar oo idil uu isaga abuuray. Ardadii oo yaab iyo amakaag isugu darsamay oo la cajabay hadalka kasoo yeeray macalinka, xoogaa markii la aamusay, mid ka mid ah ardadii oo aad da'diisu u yartahay baa gacanta kor u taagay oo yiri macalin su'aal baan rabaa inaan ku weydiiyo, macalinkii baa ku yiri soodaa su'ashada, ardaygii yaraa baa ku yiri macalin Qabow ma jiraa? macalinkii baa ku jawaabay haa Qabow wuu jiraa, ardagii baa ku yiri maya macalin qabow wax la yiraah ma jiro ee dadkaa abuurtay si ay u muujiyaan in kuleylkii ama xaraaradii ay meesha ka baxday, ee asligu waa Xaraarada, sidoo kale macalin Mugdi ma jiraa? macalinkii baa ku jawaabay haa Mugdi wuu jiraa, ardaygii baa markaa ku yiri maya ma jiro wax mugdi la yiraah ee dadkaa iska abuurtay si ay u tilmaamaan in iftiinka oo asalka ah meesha ka baxay, maxaa yeelay marka la waayo iftiinka baa la yiraah mugdi baa yimi, ee macalin waxaan ku weydiiyay ma jirtaa sharta? macalinkii baa ku jawaabay haa sharta way jirtaa, waa inaga maalin walba ku aragna indhaheena, sow ma aad arkin dadka la laynayo, ama qaxa lagu khasbayo ama la dilayo ama dhaca iyo boobka ka jira aduunka iyo inta xumaan ah ee maalin walba la geysto ee lagu koco, qof uu sameeyo ama bulsho ay u geysato bulsho kale, iyaga oo ku magacabaya falkooda ama sabab uga dhigaya siyasad ama diin ama qabiil ay ku kala duwan yihiin.
Ardaygii yaraa baa ku yiri macalin sharta ma jirto hase yeeshee dadkaa abuuray, waxey soo shaac baxdaa marka Nuurka Imanka uu meesha ka boxo oo dadku qalbigood ka boxo Allah iyo cabsidiisa ama laga fogaado wixii Allah dadka faray oo ah wanaag in la falo oo xumaha laga fogaado, Allah waxa uu faray in qofka xooga leh u naxariisto midka tabarta daran, sidoo kale midka xoolaha leh uu wax taro ama gacan qabto midka saboolka ah, dumarka, caruurta iyo kuwa da'da ah la ixtiraamo oo xaqooda la ilaaliyo, dulmiga laga fogaado iyo wixii xumaan ah oo idil, ugu dambeyntii ardaygii yaraa baa kusoo gaba gabeeyay hadalkiisii macalin Sharta Allah ma abuurin ee dadkaa abuuray, Allah Shariir ma aha, Allah waa deeq badane u naxariista adoomadiisa mana dulmiyo kuwa uu abuuray ee iyagaa dulmi la yimaada. Macalinkii oo la yaabay xikmada iyo aragtida ardaygan yar baa ku jawaabay waa runtaa Allah Shar ma abuurin ee dadkaa abuuray.