Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Yahuudi Israail Qalad iyo Wanaag kala Saxday Qufraana Eebe Weydiistay Oo Qawlkii ILaahay Raacday

Wednesday - July 22, 2009

Quds" jerusalem" Saxaafadda Yuhuudda ayaa maalmahaan waxay soo bandhigeysey in uu jiro welwel aad u weyn oo soo foodsaaray Madaxda Yuhuudda kaas oo ka dhashay kadib markii sanadihii ugu danbeeyay ay diinta islaamka qaateen boqolaal Yuhuud ah waxayna ilo-wareedyo Yuhuud ahi tibaaxayaan in sanadkiiba ay dad gaaraya boqolaal tagaan Wasaaradda Cadaaladda iyaga oo dalbanaya in ay badalaan diintooda.

Jariidadda Macaariif ee ka soo baxda Israil ayaa Mas’uul u waramay wuxuu ku warbixiyay in arrintaas ay soo korodhay 5-tii sano ee ugu danbaysay wuxuuna tilmaamay in 2-dii sano ee tagay ay wasaaradda Cadaaladda Yuhuudda 306 qof dalab diin badalasho ah keensadeen kuwaas oo 249 kamid ah ay dalbanayeen Diinta Islaamka.

Marka la eego warbixintan ay soo daabacday Saxiifadda Macaarif waxay u dhigan tahay in sanadkiiba ay Diinta Islaamka soo gala ilaa 100 Yuhuud ah wuxuuna wargeysku intaas raaciyay in sanadkii 2008 kor uga kacay uuna gaaray 142 qof waxaana intaas sii dheer in intii lagu guda jiray sanadkan 2009 ay dalabaad soo gudubsadeen 32 qof taas oo uu wargeysku ku tilmaamay mid aan laga gam'i Karin oo u baahan ka hortag iyo wax ka qabasho.