Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dhalinyaro Isirka Soomaali Oo Xabsiyada Liibiya Ku Barooranaya ILintuna Ka Go' bo Leedahay

Tuesday - July 21, 2009

Liibiya- Bengaazi : Falsafada Aqal libaax laf lagama waayo ayey dhalinyarada Soomaali ugu baqooleen cariga liibya iyo Zaciimka Macamar Qadaafi oo Eebe siiyey nicmo nooc walba leh, hasa ahaate intu dabley gaar ah oo kheyrka ka dhaga-duuban ka adeejiyey ayuu xabsiyada dhigay kuna cadaadiyey, halkaasoo dhalinyaradaas gocosho awgeed ilintu kaga go'bo leedahay oo baroortoodo meel kasta gaartay... Koleyba Nin walba kadabkii loo qoray ilaah waa la kulansiin.... Qaybsha kibista allow waxaan naxariis lahayn qorta ha noo galin.

Isirkii walaaleheena ee Soomaalida ku xirnaa Xabsiyada Wadanka Liibiya oo todobadyadii ugu danbeeyay ka cabanayay dhibaatooyin adag oo halkaa ku soo wajahay ayaa waxaa qaarkood la sheegaya in iminka ay bilaabeen in cuntadii ay ka soomaan.

Ilaa iyo 550-Soomaali ah oo ku jirta Xabsiga Kaam Fuuda ee Magaalada Baanqaazi ee dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegeen in ay cunadii ka soo-meen sababo la xiriira lacago ay sheegeen in ay ka qaateen Maxaabiista Xabsigaasi, islamarkaana loo diiday in la sii daayo.

Muxidiin C/laahi Cariig oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga "Kaam Fuuda" ee Magaalada Baanqaazi ee Dalka Liibiya aya waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ee dalkaasi Liibiya ay kula dhaqmaan dhibaato aan kala sooc laheyn Soomaaalida ku jirta Xabsigaasi,waxuu kalo sheegay in ay go’aansadeen dhamaan Soomaalida ku jirta Xabsigaasi oo isugu jira haween, caruur iyo Dhalinyaro in ay ka soomaan gabi ahaan cunooyinka,isagoo sheegay in maalintii sadaxaad ay maanta ka soomanyihiin cunada.

Canab Axmed Warsame oo iyana ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsigaasi ayaa waxa ay carbaabtay in haweenka ku jira ay yihiin noloshooda mid aad u liidata islamarkaana gudaha Xabsiga ay ku jiraan dad ay ku hayaan cuduro,waxaana ay sheegeen in aanay xitaa Safaaradda Soomaalida ay ku leedahay Liibiya aanay ka warhayn Maxaabiistaasi, waxayna sheegtay Xiriiro ay la sameeyeen in aanay mar xitaa kaga soo jawaabin.