Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xogti Ugu Dambeysey ee Laga Helay Saraakiishi faransiiska Ee Afduubneyd

Monday - July 20, 2009

Mogadisho: Shabakada Galdogob Times Oo u kuurgashay halka ay ku dambeeyeen la haystayaashi faransiiska ee dhawaan magaalada Mogdisho laga afduubay aya Website-kan soo gaaray warar loo qadankaro rasmi oo sheegaya in labadaas Sarkaal weli Mogdisho lagu haysto ayna gacanta ugu jiraan koox ku dagaalameysa magaca Al-Shabaab, hasa ahaate ku kooban beesha habargidir- reer xaaji saleebaan oo markii horaba wiilal reerka ka mida ka soo kaxeystay saraakiishaas hotelki ay daganaayeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in raga haysta Saraakiishaas ay aqbaleen heshiis hoose ay la galeen duubabka iyo culimada reerka oo nuxurkiisu yahay in aan la dilin balse ay furantahay madax furasho ay ku maroojiyaan illa 20 malyan ku dhawaad, lacgtaaso sida loo maleynaayo ay qaybsigeeda ku haminayaan ragi afduubkooda ka hawlgalay iyo qayb ka mida lacgtaas la gaarsiyo xarakada al-shabaab isla markaana haraaddka iyo gaajada lacageed ay xisbul islaam qabaan laga Bi'iyo.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sida muuqata xagashu ka daacday isagu warkiisi si furan ku xusay inu iska wareejiyey saraakiishaas kuna wareejiyey Al-Shabaab aya ahayd mid u shillallkii lagu gawrici lahaa is dhigay oo dusha ku qaatay culeys deyn ka xoog badan, waxayna qirashadiisa keentay in dhibka saraakiishaas soo gaarta u isagu shakhsi ahaan ka masuul yahay oo lagula xisaabtamayo, waxayna dawgu ahayd inu ku warbixiyo inusan isagu soo qabsan,ciida gacanta ku haysana ay awaamitiisa ka madaxbanaanyihiin, laakiin sida Shiikha lagu yaqaano ma ahan nin leh qabuul iyo galgalasho dipolomaasiyeed oo badanaa waa qar iska tuur heryadiisa dib u cuna. 

Dawlada Eretereya ayaa hogosho ciil iyo si xun uga muraaro-dilaacday wareejinti u sheegay Xassan daahir Aweys waayo madaxda Eretereyaanka waxay doonayeen in sideynta saraakiishaas ay iyagu kaalin ka ciyaaraan kuna muraadsadaan oo ugu yaraan ay faransiiska uga helaan dhaqaalle iyo taageero siyaasadeed oo halkaas Afawarqe waxaa uga lumay fursadi u ku munaafacsan lahaa .