Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Booliski Dalka Mexico Oo Meydkoodi Tira-beelay Kadib Markay Sidi Maafiyada Isu Gawr-gawraceen

Sunday - July 19, 2009

Mexico: Waxaa dalka Meksiko lagu qabtey 20 boolis ah oo la aaminsan yahay in ay laayeen ama dileen 30 Booliska Federaalka ah oo ka mid ahaa kuwa u xil saarnaa la dagaalanka maafiyada daroogada oo kalkhalka galisay dalkaas.

Meydadka Booliska la gawracay ayaa laga helay meel ka mid ah wadooyinka Meksiko iyagoo isku xir-xiran waxaana ka muuqatay in si xun loola dhaqmey, oo la jirdiley intaan nafta laga qaadin.

Masuuliyiinta Meksiko ayaa aaminsan in xasuuqa loo gesytey Booliska ay ka danbeeyaan kooxda caanka ah ee ka ganacsata maandooriyaasha ee magacooda la yiraahdo "La Familia"

La Familia waa Qoys Mexican ah oo caan ka ah dunida daroogada iyo hawlaheeda maafiyada waxayna maalinti suuqyada caalamka ganacsigooda ku wareejiyaan balaayiin doolar oo dakhli u noqonkara, waxayna familkaas awood u yeeshaan in masuul kasta oo dalkaas wax ka ah ay guno iyo mushaar u qoraan si ay danahooda gaarka ah ugu adeegaan.

Booliska la qabtay oo falalkaas lagu soo eedeeyey ayaa dalka Meksiko xasarad cusub ka dhalisay waxayna shacabka ay ku tilmaameen waxuush dad qal ah oo cariga fasahaad galiyey.