Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mr.Zarkusi Oo Qaadan-Waayey Qaabka Afduubka U Dhacay Iyo Al-Shabaab Oo Sidi Shabeel IL Dabeysa

Friday - July 17, 2009

Baris- Mogdisho- Adis ababa : Wararka soo gaaraya madaxtooyada faransiiska ayaa tilmaamaya in xaalada saraakiisha af-dooban ay ugu muuqato mid rajo beel ah oo aan wax laga qabankarin, waxayna quustaas ku saleeyeen marakii dawlada faransiiska ay soo gaareen war sheegaya in labadi sarkaalba ay u gacan galeen kooxaha mintidiinta al-shabaab iyo dawlada Aretereya oo lafahaanteeda ku guuldareysatay iney saxiibadeeda Mogdisho ku sugan soo af jaraan haysashada saraakiishaas.

Dawlada faransiiska oo ka qoomameeyneysa iyadoon wax miisaamin mooyaha loo tumay, aaminsan in hubsashadi iyo runti ragaas lagu diray lagu marin habaabiyey oo inta badan Walad Cabdalaha UNka iyo dawlada Shiikh Shariif wax been ah mala awaaleen, ayaa madaxtooyada faransiiska albaab kasta garaacday oo u qaylo dhaantay dawlad kasta iyo Shiikh iyo Mufti gartaas gala siiba kuwa lagu tuhmayo iney gudaha Soomaaliya xabiib ku leeyihiin oo ayba ugu horeyso Eretereya iyo Itoobiya hasa ahaate intuba waxay sheegeen in arintu tahay Allow Sahal oo meel kasta libaaxyo loo galikarin taaganyihiin weer soo ag mari karana usan jirin....Madaxwyne Afawrqe waxuu u tabiyey   madaxweynaha faransiiska Mr. Zarkuusi in Shiikh Xasan Daahir Aweys ay gacantiisa waxba ku jirin balse Saraakiishaas ay haystaan Gacmo aysan ka marneyn shakhsiyaad ka tirsan dawlada Shiikh Shariif iyo kooxo la jaal ah mucaaradka dawlada oo Aweys ka madax banaan. waxuuse Afawarqe warkiisa si raaciyey inu dabagal ku sameyndoono warka Shiikh Aweys iyo ciida ay ka go'do wax ka qabashada hawshaas. 

Madaxweyne Zarkuusi oo sahawi iyo wareer ka qaaday falka afduubkaas... miyirkiisi gees-marmaraya sidi nin cunay Qunbulad Qaada... waa u qaadanwaayey qaabka wax loo afduubay iyo baylaha nabadgalyo ee dhacday, waxaana u soo baxaday in xubnaha maamulka Shariif ay yihiin kuwa aan hunguri xun ka xishoon ahna dhagax dhadhaab oo kale ah, wax ka soconaya aysan jirin, waxuu kalo madaxweyne Zarkusi carabka ku dhuftay in rajo aan laga qabin in al-shabaab ay soo dhiibaan ragaas oo qodobka kaliya u yaala u yahay Gawrac, Sida darteed waxuu Mr.Zarkuusi Saraakiishisi qaran ku amray iney soo qorsheeyaan dagaal cusub oo qiiq huriya si qaylada kor ugu duusho, waxaana xogta warka ay intaa raacineysa in haddi Saraakiishaas la gawraco ay ciidamada faransiiska soo qaadi-doonaan weeraro cir iyo dhul ah oo ay ku qabsadaan xaafada iyo saldhigyada Al-shabaab oo ay ku jirto baydhabo iyo kisimaayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in labadan sarkaal ay ahaayeen la taliyiyaal dhanka Amaanka iyo arrimaha Mulatariga ah, Islamarkaana waxa ay cadeeyeen in lagu afduubtay magaalada Muqdisho. Iyadoo muhiimadda ugu weyn ee ay halkaa u joogeen ay ahayd inay taageeraan dawladda Itaalka daran ee Sheekh Shariif.

Labadan sarkaal oo la sheegay inay darajadoodu kala tahay gaashaanle iyo saddex xidigle"kaptan" waxa la sheegay inay kooxihii afduubay ula galleen deegaanada uu ka taliyo ururka Xisbul Islaam, waxaanay wararkii u dambeeyay sheegayaan in madaxda Xisbul Islaam ay hadda gacanta ku hayso labadaas sarkaal ee Faransiiska ah Lamase garanayo waxa ay ka yeeli doonaan, laakiin waxa la sheegay inuu Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab u socdo shir lagaga arrinsanayo labadaas sarkaal ee Faransiiska ah walow warkii ilaa maanta soo dhacayey ay sheegayaan in labadi sarkaalba ay u gacan galeen madaxda al-shabaab. waana sida u qabo madaxweyne Zarkuusi 

Dadka ka faallooda siyaasadaha kooxaha Mucaaradka ah ayaa tilmaamaya inay adagtahay inay dalbadaan lacag madax furasho ah, waxaanay u dhawdahay inay ku ridaan xukun ugu yaraan noqon kara in la gawraco.