Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 19 May 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Casharkiisi Jimcaha Ku Eegaya" Aadaabta Islaamku Wax U Cuno"

Thursday - July 16, 2009

ACWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcahan oo aan kaga hadlayo Aadaabta Islaamka ee marka wax la cunayo.

In wax la quuto oo caloosha wax lagu rido waxey ka mid tahay dhowrka shey ee la'aantood noloshu aysan suurto geleyn, hase yeeshee waxa su'aal ah, farqi ma ku jiraa habka dadku wax u cunaan ama waxa ay quutaan, Jawaabtu waa haa. Umada Allah ee ku kala nool dunida korkeeda aad iyo aad bey ugu kala duwan yihii waxa ay cunaan iyo qaabka ay wax u cunaan, ulajeedada qoralkan wuxuu ku kooban yahay inaan wax iska xusuusino sida laga rabo qofka muslimka ah inuu wax u cuno iyo waxa uu cunayo...Allah iyo Rasuulka suuban waxey noo tilmaameen wixii xalaal ah ee uu cuni karo qofka muslimka ku abtirsada, inkastoo dad badan oo muslim sheegta maanta dunida aan ku noolnahay ay cunaan ama cabaan wax badan oo xaaraan ah oo marar badan dhib weyn u geysta naftooda iyo jirkooda, qofkana waxa loo baahan yahay inuu ka digtoonaado waxa uu gelinayo afkiisa oo calooshiisa ku ridayo, waxa dhici karta wax badan oo loo heysto ineysan wax kuu dhimeyn.

Waxa dhici karta in naftaada ay halis geshaan, caafimaad ahaan waxa jira dawooyin ka xariman dad qaarkood oo ay ka mid yihiin kuwa ay ku jirto Sulphaha, mida loo yaqaan Penicillinka, ama kuwa loo isticmaalo Cudurka Kaneecada (Anti-malarials), sidoo kale waxa jira dad qaba xanuuno qaarkood oo weliba u badan dadka midabkoodu madow yahay ama kasoo jeeda qaarada Afrika iney halis u yihiin marka ay qaataan dawo ka mid ah kuwa aan tilmaamay ama kuwo faraban oo daahsan. Cuduro badan oo ay ka mid yihiin Dhiig-Karka, Sokoroga, kuwa Wadnaha iyo Xididada dhiiga, Lafa Xanuunka iyo Lafahurgunka, waxey gidigood calaaqaad la leeyihiin miisaanka jirka oo xad dhaafa ama nooca cunad qofku quuto inta uu korayo, sidoo kale cudurada ku dhaca caruurta guud ahaan oo loo qeybsho saddex nooc (Kwashiorkor),(Marasmus), iyo (Vitamin deficiency) oo aan laba nooc qura masal usoo qaadanayo sida Rickets<VIT. D def.> iyo Scurvy<VIT. C def.>, sadexda nooc midka hore(Kwashiorkor) waxa lamoodaa ilmaha iney Buuran yihiin ama hilb badan leeyihiin, kan labaad (Marasmus) waxa ka muuqda ilmaha Macaluul daran, midka sadexaad (Vit. D def.) ilmaha lagu arko lugaha oo gota markey ka xoog badato miisaanka jirkiisa, lafaha oo aad u jilicsan, marka maadada loo yaqaan Kalshumka (Ca) ku yaraato, iyo nooca ugu dambeeya (vit. C def.) oo lagu arko ilmaha dhiig bax ku yimaada Lafaha iyo Ciridka ama meelo kale oo jirka ka mid ah, dhamaan cuduradaa oo ka yimaada nafaqa-darida waxey toos ugu xiran yihiin waxey cunaan iyo habka ay u cunaan caruurta intay ay yaryihiin.
Waxa haboon inaan is-xusuusino in Suubanaha NNK ha ahaato uu yiri "Waxaan nahay qoon aan wax cunin inaan Gaajoono Mooyee, hadii aan Quudanana ma cuno intii aan ka dheregno, caloosha ma buuxino", sidoo kale wuxuu noo tilmaamay oo uu yiri: "Hadaad wax cunto u qeybi calooshaada waxa aad ku rideyso sadex qeybood, mida hore wixii Adke ah oo aad cunto, mida labaad wixii Dareere ah oo aad Cabto, mida sadexaadna u daa si aad uga neefsato",  Allahu Akbar, labadan xadiis ee uu noo sheegay Suubanaha NNK ha ahaato waxey saldhig u yihiin Caafimaad oo dhan hadii aad dooneyso, sidaa darteed waxa wanaagsan in qofka muslimka ah ku dhaqmo oo ilaaliyo si uu u daryeelo caafimaadkiisa iyo jirkiisa, maxaa yeelay hadii lagu daydo dhaqanada dadka aan muslimka aheyn oo wax loo cuno sidooda adiga oo aan gaajo ku heyn waxa suurowda in jirkaaga kaa xoog badsho misaankaagana xad-dhaaf noqdo markaa ka dibna aad halis u noqoto Cudurada aan kor ku tilmaamay iyo kuwo kaloo daahsan.