Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Geesiga Miciyo-adeeygay Mulla Cumar Oo Soo Dhaweyey Gogosha Nabada U Fidiyey Boqorka Sacuudiga

Sunday - March 15, 2009

Hogaamiyaha Xarakada Dalabaanka Afgaanistaan ma cataabe caana ku ah geesinimada iyo miciyo-adeeyga Mulla Cumar Ayaa ugu dambeynti ogolaaday inu galo wada hadalada Suluxa nabada loogu baaqay oo ay gogashiisa dhigeyso boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska la yiraahdo Sunday Times ee ka soo baxay dalka ingriiska maaliinti Axada ayaa shaaciyey in hogaamiyaha Mulla Cumar u fariin siiyey nin London dagan oo la yihraado Cabdulaahi Anis oo saaxiib hore la ahaan jiray Usaama Bin Laadin u ku amray inu shirka gogosha sacuudiga ka qayb galo isagoo u matalaya xarakada dalabaanka. 

Mr. Cabdulaahi Anas ayaa sheegay in labada dhinac ee Mareykanka iyo xarakada Dalabaan ay tahay markii ugu horeysey ee ay carabkooda ku xusaan baahida loo qabo doonista nabada, taaso ayuu yiri xarakada dalabaanka oo aad moodo iney ku qanceen in xoreynta Afgaanistaan ay u baahantahay diig badan oo daata... Sido kale Mareykanka oo isna ka shakisan in ciidamadooda aysan dagaal waxba ku keeni karin waxay door bidayaan wada hadal lala galo hogamiyaasha dalabaanka.

Mr Anis waxuu warkiisa intaa ku daray oo yiri Awooda xarakada weli waa xoog hasa ahaate ma aha taas micneheeda iney awood ku saari karaan ciidamada shisheeye ee dalka ku soo duulay.maxaa yeelay xaalada maanta jirta wey ka duwantahay 1994 markii ay qabsanayeen xukunka dalkaas.