Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shacabkii Mogdisho Oo Bilaabay Iney Ka Mashiiqsadaan Maqalka Shiikh Shariif Iyo Cumar Sharmaarke

Friday - March 6, 2009

Mogadisho: Dadweynaha Mogadisho ayaa laga soo tabinayaa iney ka rajoo xunyihiin saansaata ka soo socota dawladda Shiikh Shariif oo ay ku tilmaamayaan mid aan darajeyn iyo dhadhan dawladnimo lahayn balse kaliya ay yihiin niman uun lala kulansiinaayo Calafkii Eebe u qoray.

Daweynaha oo kulamadooda kaga hadla aragtida dawladaan Shiikh Shariif waxay ku andacoodaan iney yihiin kuwa aan ku baaluqsaneyn siyaasada iyo maamulka la rabo in dalka laga hirgaliyo oo durbaba ay ka muuqato hawraarsan xumo iyo barbariiqasho doc kasto dunidaan maanta ciireysa iyo iyagoo aan falka iyo fikirkooda is-waafajinkarin... waa cirid kulul iyo cagag.

Shacabkaas sida ay cabirayaan waxay madaxdaas ku huruufayaan iney yihiin niman kud-kudayaal ah aan waxba hogaaminkarin oo khlkhal iyo karti xumo aya ka muuqato, mana aha niman ujeedooyinkooda hadal ku cabiri kara oo duqoow iyo indheer-garad wax ku qancin kara... ma aha niman wax curinkara oo dockasta ka dagaalami-kara aan ka ahayn ilka-cadeyn iyo hadal lala baqo oo hawdka xulaya... dadku kala hanaan quruxsan oo haybad ku kala roonaa yaa hanqaraaracaan naga hor dhaqaajiya ayey shacabka qaarkood hadalkooda ku soo gaabgabeeyeen.

Waxay Goobaha shaaha lagu cabo ka sheegaan in Shiikh Shariif iyo Ina Cabdirashiid aysan ahayn kuwa maanta xaalada dalku marayo aan ka samata-bixinkarin oo kartidooda waayo aragnimo ayaa keeneysa in Caasimada ay ku soo laabto weeraradi iyo daalinkii cunaayey.