Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

"Geedka Ciise" Oo Loo Fadhiyo In Lagu Doorto Ugaaskii Beesha Ciise..Yaase Magtiisa La Siindoonaa?

Monday - March 2, 2009

AddisAbaba: Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shiniile ayaa sheegaya in guud ahaan beesha Ciise ee degta Gobolka Shiniile itoobiya, dalka Jabuuti iyo Zeylac ay ku jirto xulashadii ninkii buuxin lahaa booska Ugaasnimada Beesha Ciise taasoo muddo banaaneyd.

Wararku waxey intaas ku darayaan in todobaadyadii ugu danbeeyey guddiyo badan loo kala direy gobolada iyo guud ahaan tuulooyinka ay dagaan beeshu taasoo lagu soo uruurinayo dhamaan odayadaasha dhaqanka ee beesha ayna isugu imaanayaan magaalada Diridawa si ay uga arinsadaan xulashada Ugaaskooda.
Beesha Ciise oo daggan saddex waddan Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti...Beesha Ciise ayaa ah beesha kaliya ee Soomaaliyeed ee yeelata hal Ugaas isla markaana taladooda ugu danbeysa ay ka go'do "Geedka Ciise" oo ah xeer adag oo ay beeshu leedahay.