Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ha Ku Daayo Caashaqu .. Dubai Hagarli Wax Ku Soori-jirtay Oo Nicmadi Laga Fuuqsaday Iyo Dadkii Oo...

Sunday - March 1, 2009

Dubai: Boqolaal kun oo shaqaalo ah ayaa bilaabay inay isaga baxaan magaalada Caanka ah ee Dubai ee mandaqada Emaaraadka Carabta, kadib markii ay lasoo gudboonaatay dhaqaale xumadii ugu weynayd ee abid lasoo darista Mandaqada caanka ku ah Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Kumanaan shaqaale ah ayaa bilaabay inay isaga baxaan Dubai kadib markii ay joogsadeen dhamaan Mashaariicdii waaweynaa ee Dhismaha ee ka socday Dubai, ayadoo arrintan ay salka ku heyso dhaqaale xumada dhinaca Bangiyada Maraykanka saameysay.

Dhaqaale xumada ka jirta Maraykanka oo hada soo gaartay magaalada Dubai ayaa ah mid la xariirta Bangiyada falisay oo ayagu horey u maalgashtay Bangiyada Dubai iyo waliba Mashaariicda ugu waaweyn ee dhismaha ee sanadihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareerayey.

Hase yeeshee hadda ayey u muuqataa dhaqaalihii sare u kacayey ee Mandqadda Dubai uu hoos u dhac xoogan ku yimid.

Xaaladu ayaa ah mid aan lasoo koobi karin ayadoo heerka ay mareyso ay tahay mid si weyn u saameysay Dubai, tusaale hadii lasoo qaato Airporka Magaalada Dubai ayaa looga cararay gaadiid gaaraya 3000 oo dhamaantood ay ka wada carareen dadkii baxsadka ahaa ee Dubai isaga cararay kadib markii ay bixin waayeen daymihii lagu lahaa.

Gaadiidka Airporka Dubai looga cararay ee 3000 gaaraya ayaa qaarkood ay furayaashooda ka taagnaayeen markii laga tagay, laakiinse la yaab malahoo gaadiidkaasi waxay ahaayeen kuwii daymaha ay ku qaateen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka shaqeyn jiray Dubai, kadib markii ay Daymaha gaadiidka loogu lahaa ay iska bixin waayeen shaqadiina ka dhamaatay.

Waxaa kaloo saameynta dhaqaale xumada ka dareemaysaa Daaraha dhaadheer ee mashaariicdii ugu waaweynaa ee dhismaha oo dhamaantood la joojiyey

Mashaariicdan ayaa la sheegay inay hakad ku jiri doonaan illaal laga helayo dhaqaale ku filan in lagu dhameystiro. Waxaa taasi u dheer dhamaan shaqaalihii ka shaqeyn jiray dhismaha oo ayaga hada ku khasban inay isaga baxaan dalka mar hadii ay shaqadii ka dhamaatay, ayadoo qofka shaqaalonimada u joogo uu heysto inuu Dubai uga baxo 25 maalmood gudahood.

Dadka isaga baxay Dubai ayaa hada gaaraya Boqolaal kun ayadoo ay banaan yihiin Hoteladii ugu caansanaa magaalada oo horey aan loo heli jirin in si fudud lagu dego, waxaa sidoo kale haawanaya Makhaayadiihii caanka ahaa ee Ganacsatada ka qaxweyn jirtay, xili magaalada ay u muuqato meel lagu kalo tagay.

Heerka dhaqaale ee Dubai ayaa ahaa mid sare usii kacayey 30kii sano ee lasoo dhaafay illaa 60%, waxaasi la yaableh in billo gudahood uu dhaqaalihii Dubai hoos u dhacay 4%, taasi oo tusaale u ah xawaaraha uu ku socdo khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray Mandaqada.

Shiikh Maxamed Bin Rashid Al Makhtuum oo ah hogaamiyaha Mandaqada Dubai ayaa ah ninka gacanta ku haya dhamaan hawlaha Mandaqadaasi ayaa hada ku khasbanaaday in 40 Billion oo dollarka Maraykanka ah uu dayn ahaan uga qaato Mandaqada Abu Dhabi ee batroolka caanka ku ah.

Daynta uu qaatay Shiikh Maxamed Al Makhtuum ayaan ahayn mid ku filan sanadaha soo socda in dib loogu kabo illaha dhaqaalaha ee Dubai, oo qeybta ugu weyn ay u jirtay Dalxiiska taasina ay hoos u dhacday.

Waxaa ayaduna caqabad ka taagan tahay Mashaariicda guryaha qaaliga ah ee loo dhisay dadka tujaarta ah kuwaasi oo hada hakad galay, waxaana socda dadaal lagu doonayo in la dhameystiro oo kaliya xaafadaha ay guryaha badan hada ka gadmeen oo kaliya, halka la joojinayo xaafadaha cusub ee aan weli la gadan.

Dhamaan mashaariicdan dhismo ayaa ahaa kuwo sare loogu qaadayey Dalxiiska iyo Ganacsiga Dubai, ayagan hada ay joogsadeen.