Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Geeridi Abubakar Sadiiq Allaha Ka Raali Noqdee Iyo Dardaarankiisi Khilaafada

Thursday - September 1, 2016



Markii ay u buuxsantay da'da 63aad oo ah da'dii uu ku geeriyooday rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga dambeeyo labo jaranjaro iyo bar.  Waxay kutusineysaa inay taasi tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaa'ishii Nebiga SCW.

Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo  markii hore ay wada riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daa'if. Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno-gooyo boqortooyadii Ruumaanka ee arladaas haysatay.

Abubbakar Sanadkaa dhexdiisa buu xanuunsaday xanuun-kaasoo ahaa midkii uu dunida uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu Cumar ku dhaafo khilaafada.

Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cusmaan bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo yeerinta dardaaranka ereyga: Waxaan idiinkaga tegay...... buu miyir daboolmay, markaasuu Cusmaan halkii ku buuxiyey.... ''Cumar''.

Mar kale buu Abuu Bakar illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu ka gaaray ereyga ah waxaan idiinkaga tegay.... Markaasuu Cusmaan raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa ''Cumar''.  Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cusmaan sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, illaah baan ku dhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay buuna Cusmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood ku wada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii Rasuulka Alle SCW (Cumar).

Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa. Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama mayrtay maalin qaboow ah  oo ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan, taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna muddadaas amray  Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala wado.  Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga. Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray.  Cumar bin Khaddaab ayaa tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir.  Waxaana lagu ag aasay rafiiqiisii Nebi  Muxammed SCW, goobta daartii Caa'ishah, Allaha ka raalli noqdee.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay haka raalli noqdee.
illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq, saaxiibkii Rasuulka Alle SCW .
Wabillaahil Mustacaan.