Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Wixii Aan Shib Ka Ahaa Maantaan Sharxaya .. Qormo Kooban Oo La Xariirta Noloshi General Maxamed Cali Samantar

Thursday - August 25, 2016



Inaa Lilaahi Wa Inaa ileyhii Raajicuun, Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Jeneral Maxamed Cali Samantar oo dhowaan ku geeriyooday arlada Mareykanka ee gobalka Virgina . Aaskaaso oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Jeneral Maxamed Cali Samantar, oo sidiisaba ahaa sarkaal iska Yes Man ah, aan qajajac iyo hadal soo celin aqoon, wuxuu ka mid ahaa saraakiishi kaalinta wacan kaga jiray xubnihi golaha sare ee kacaankii 21 oktobar 1969, laakiin sida iyo xaqiiqada jirta ma ahayn sarkaal door-weyn ka ciyaaray afgambigi waqtigaas dhacay, oo xita naqshadi gogol-xaarki inqilaabkaa si buuxda ugama mid ahayn, balse in inqilaab socdo, waxay ku ahayd maqal iyo proposes mar loola yimi in dalka la badbaadiyo, taaso mar si indha-indheyna Maxamed Siyaad kula soo hadal qaaday, oo isna ugu jawaabay Yes samata-bixin baa loo baahan-yahay.
Dhinaca kale isagu ina Cali Samantar ma haysan ciidan inqilaabka lagu hawlgaliyo, oo markaas wuxuu si gaara u qaabilsanaa xaga sportiga ciidamada, isla markaa shaki ayaa Siyaadd Barre ka qabay oo ahayd iney dhici-karto in shuushuuda inqilaabka u dusiyo Taliyihi hore ee Boliska general Maxamed Abshir, oo naceyb xad dhaaf ah u qabay Siyaad Bare.
Maxamed Cali Samantar markuu joogay jubada Kismaayo kana ahaa turjumaanka beeraleydii Talyaniga iyo Somaalida iyo intu Mogdisho joogayba, wuxuu ahaa nin qoys ahaan ka tirsan bulshada Ciisa Maxamuud, wuxuuna Odayaasha iyo wax-garadka reerkaas ku haystay so dhaweyn, ixtiraam iyo qadarin .. kaalinta weyn ee afgambiga waxaa hawl-weyn ka galay ururkii Horseed ee xaruntiisu ahayd Agagaarka Dekada Cusub, waxaana taliye ka ahaa gaashanle dhexe Maxamed Cali Shire oo isna ka mid noqday golihii Sare ee kacaanka, Waxaa kalo kaalinta hawl-galka afgambiiga qayb weyn ka ahaa korneyl faarax Waceys Duule, oo hogaaminaayey ciidamadi komandooska ee fadhiigisu ahaa dhinaca Degaanley-Balcad oo isna ka mid noqday xubin golihi sare kacaanka. dhamaantoodna amarka kama dambeysta iyo awaamirta tooska hawlgalka ciidanka waxaa bixinaayey Jeneral Siyaad Barre.

General Maxamed Cali Samantar, oo xilgi afgambiga dhacay ahaa gaashanle dhexe (Lt. Col) waxaa isla markiiba loo dalacsiiyey jeneral, isla markaana loo magacaabay taliyaha xooga dalka, kadibna qiyaasta markay laba bilood ka soo wareegtay, waxaa taliya-nimadiisi loogu daray darajada wasiirka gaashaandhiga ( gaar ahaan marki Salad Gabeyre laga wareejiyey W/gaashandhiga) ku xigeen Abaanduulle waxaa looga dhigay General Cabdalla Faadill (carab yaman) iyo Jeneral Nuur Cadow oo xaga taakuleynta Saadka milatariga la qaabilsiiyey, iyado falsafada Siyaad Bare ay ku dhisneyd Rag waa lama maleeyaane inu markasta ka fiijignaado in ciidanka u hogaamiyo sarkaal qabilo-weyn daba joogto si mustaqbalka uga soo hor bixin mid abeeso duuban ah, oo yiraahda Dabka aan kula shito, oo hagardaamo inqilaab la yimaada.  (micnaha laba-doodaba wey isu baahnaayeen .. haddi aan ku si jilciyo Ina Cali Samantar waxuu u baahnaa dhab libaax oo u ku jiifsado, halka Siyaad Barana uu isna u baahnaa Nin guulwadeynta ku fiican, oo aan haddana qabiil ku nabneyn) halkaaso ina Cali Samantar iyo Siyaad Bare guushooda deg dega ahayd is ku cajabiyeen, 

Ugu dambeyn waxay noqdeen labada Nin ee awooda dalka looga dambeeyo. iyagoo saraakiishi uurka dabeysey amase ay ka cabsi qabeen wada gaagaabiyey ( maamulki madaniga lagu meeleeyey). 
General Maxamed Cali Samantar, wuxuu ahaa nin hadba meel aan loo jeedin mooshin ka keena oo isagaa ayaa lahaa sababta ugu weyn in Siyaad Bare si sharciyeysan loogu meel mariyo inu awooda dalka ku kali-yeysto . hasa-ahaate xiliyadi 1978 labadooda ash iskuma ahayn oo dhexdooda mugdi mugdi ayaa soo kala dhex galay.waxaana Siyaad Barre sida la mala-awaalayo ku dhashay tuhun ah in jeneral Samantar u la qabsaday sirdoonka Ruushka, horana xiligi todobaatanaad-kii mar ayaa Siyaad Bare ka shakiyey, taaso keentay in Maxamed Cali Samantar lagu yiraahdo: Waryaa garo xilka ku saaran iyo waxaad tahay, dabadeedna lagu amray in inti bil ah gurigiisa usan ka soo bixin, laakiin si aan loo ogaan xabsi guriga u ku jiro, wuxuu ku shaqeyn-jiray xafiis guriga ugu yiilay oo halkaas ayuu awaamirta ciidanka ka bixin jiray, isla markaana saraakiisha hogaamadana ciidanka, iyagoo aan ka warqabin arinkaas ayey guriga ugu imaan-jireen .. warkaas oo u ka soo yeeray Siyaad Bare si lama filaan ah ayey dhagteyda ugu soo dhacday, illa iyo haddana anigoo markaass agtaagnaa waxuu ii maqashiinaayey iyo ujeedada u ka lahaa ma garanaayo. warkuna wuxuu u dhacay sidaan: kii Gurigiisa ha ka soo bixi baan ku iri! oo waan gartay inu Cali Samantar ulajeedo .. Run iyo been mid ay tahayba, waxaa la sheegaa in Maxamed Cali Samantar gaar ahaan waqtiyadi awooda Siyaad sii daciifeysay inu yiri: Maxamed Siyaad Markaan indhaha u jeexnay, buu anagi nagu kala qaaday.

General Maxamed Cali Samantar, magaciisa runta ah waxaa la oran jiray maxamed Cali Maxamed, laakiin markii waxbarashadiisi dalka Talyaaniga, oo ay is raaceen saraakiil u ku jiray Maxamed Cali Maxamed Sharmaar, oo isagana ku baxay magaca Maxamed Cali Maxamed ,ayaa macalimiinti talyaaniga ku wareereen labada magac oo isku si loogu dhawaaqayo, sidaa daraadeed Maxamed Cali Maxamed Samantar, waxuu la soo baxay magacii awoowgi labaad oo sheegtay maxamed Cali Samantar, halka sarkaalkii kalana u isna la yimi magacii awoowegiis labaad, oo sheegtay Maxamed Cali Sharmaar.

General Maxamed Cali Samantar, aqoontiisa xaga milatariga aad bey u sareysay, oo waxbarashadiisi akadeemiyadi Ruushka ka sokow, waxaa aqoontisi si gaara kor ugu si qaaday jeneral Ruusha oo ka mid ahaa kuwi khubarada Ruushka ee mogdisho ku sugnaa, oo maalin walba iyo saacdo kooban siin jiray casharo ku qotanta aqoonta noocyada kala duwan ee ciidamada .. Maxamed Cali Samantar aqoontaas milartari ka sokow, waxaa u dheereyd aqoonta guud oo u baxaari ku ahaa, taasna waxaa ugu wacneyd xaga wax akhriskiisa iyo dibu eegista kutubta taariikhda, oo u raacan jiray.

Allaha u naxariista General Maxamed Cali Samatar oo ku dhintay da’da 85-sanno ayaa ka mid ahaa saraakiishi caqliga iyo cilmigga horumarka sare ku gaarsiisay ciidamada xoogga dalka, isagoo soo noqday Taliyaha xooga dalka, wasiirka gaashandhiga, Madaxweyne kuxigeen iyo Ra’iisul Wasaare .
                                          [email protected]


hits Hits : 9996