Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 20 May 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Madaxweynihi Hore Ee Masar Maxamed Anwar Sadat Iyo Codsigi Hooyadiis Ee Taariikhdu Reebtay .. Hooyo Waa Ma-Huraanka Nolosha Ee Allow Janada Ugu Bishaare

Thursday - May 9, 2024



Madaxweynihi hore ee Masar Maxamed Anwar Sadat, waxaa ku duugnaa garad iyo caqli oo sida la sheego illa hada booski u ka baxay ma jirto cid buuxisay, taaso dalki Masar isaga kadib waxaa isaga dambeeyey madax sawir aan loo aqoon isu-yeela damiir iyo garaad midna aan lahayen, balse Rifayaal ah oo Masar qayrkeed ka reebay .. Madaxweyne Anwar Sadat, wuxuu ahaa wiil hooyadiis jecel oo ilaa ay ka dhimato kormerkeeda si fiican ugu taxnaa, balse intu iyo saacadaha ka maqan-yahay murugon-jiray.

Maxamed Anwar Sadaat, ma daama u ahaa nin ku sareeya xaga suugaanta iyo gabyada, markasta oo u hooyadiis u tago waxuu ku haqab tiri- jiray ereyo ku qotama faraxeeda sida: Macaaney la'aanta muuqaalkeyga ma jireen oo wax horumara lama majiirteen .. Hooyooy adaa mudan maalinta iyo habeenka .. Hooyo macaaney inta aan kaa maqanahay waa murugey-sanahay .. Hooyooy xaqa aad iga mudan-tahay waa mid aan gudi-karin .. hooyooy waxaan kugu agmeeraya inaan muraad-kaaga fuliyo

Hooyada dhashay Maxamed Anwar oo shabaab-nimadeedi qurux qani ku ahayed magaceedu ahaa " Sit Al-berain" asl-ahaan waxay u dhalatay Masar, hasa ahaate hooyadeed ayaa ahayed reerka Sudaan oo iyadana dhinaceeda duco ku duqeyn-jirtay wiilkeed Maxamed, waxayna hal-hays u ahayed: Wiil-keygow Rabi muunad kuu yeel oo lahaaw deymo awliyo .. Sakaraadku kuma dhibo Aakhirana mudnaan iyo meel sare ku noolow .. Janada Mushaax marxaladaas ku noolow.

Hooyo "Sit al-berain" oo jawaab ka bixisay in wiilkeeda uu u fulinaayo muraad-keeda, waxay tiri:  Maandhow Waxaan ku dhib qaba maqalka amase la socdo xiliga Aadaanka Salaada ee maandhow ma suuragli-karta in Aadaanka aan ka maqlo shaashada Idaacadaha iyo TV-yada .. Madaxweyne Maxamed Anwar Sadat isla markkiba iyo inti u hooyadiis la fadhiyey waxuu qabsaday Talefoonka oo kula hadlay wasiirki warfaafinta Masar kuna amray laga bilaabo isla maantaba idaacada qaranka laga sii daayo xiliyada waqtiga Salaada, taaso ahayed talaabo ay u bogeen dhamaan shucuubta iyo madaxda islaamka kadibna wey ku wada daydeen oo idaacadoodi ka sii daayeen waqtiyada Aadaanka Salaada .. Somaliyana wey ka mid ahayed inta soo dhaweysay kuna dayatay.