Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 13 May 2024

Dhadhamo Yar Oo Maalin Ah Oo La Dhaafsaday Noloshi Dhameyd Ee Somaliya .. Sunta Lagu Duugay Somaliya Ee Qaarkooda Ku Soo Caaryey Xeebaha Somaliya .. Yaa Ka Dambeyey Duugistaas

Sunday - April 28, 2024



1997 / 1998 – Jariidad ka soo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo "Famiglia Cristiana" ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah "Achair Partners oo ay leeyihiin "Swiss" iyo Progresso oo iyadana laga leeyahay "Talyaniga"

 Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas oo magaciisu ahaa Cali Mahdi Maxamed.

heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo .. in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi jiro oo u dhacay. 

Sida baaritaanku sheegay Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed “maamulkisii” u saxiixay “Wasiirkiisii Caafimaadka oo la oran jiray Nuur Cilmi Csmaan, Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Gorgorki Dabeyshaday Maxamed Siyad Bare Ee Gudbin jiray dareenka Shacabka wuxuu oran jiray: Daalimiinta loo heesaayo duulaanka igu ah ma aha kuwa danta shacabka wada ee waa koox tuuga ah macaan jecel arxan goys ah oo dalka iyo dadka iibsan-doona, balse maal lagu helo ku raadinaaya Dam-dam iyo colaad abuur