Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Jimca Kariim .. Geeridu Marbey Ka Sharaf Badan-tahay Nolosha .. Geerida Ka sharaf Badan Camalka Sheydaan

Thursday - November 23, 2023




Waxaan Carruurteenii iyo haweenkeenii kala soo cararney dagaaladii sokeeye iyo abaaraha ka dhacaya dalkeena, waxaana keeney meelo badan oo wadamada gaalada u badan, waxaase xaqiiqo ah in dad badani u geeriyoodeen sababahaas awgood, waxeyse intooda badani ku geeriyoodeen sharaf, waayo waxey ahaayeen muslimiin waxaana dishey gacan ka gardaran, taas oo ka dhigtey Shahiidiin, adduunkana sharaf uga tagey, oo waa annaga maalinba ka sheekeyna.

Waxaase dhacdey dadkii faraha badnaa ee u badnaa carruurta iyo haweenka ee loo soo qaxiyey wadamada gaalada, inay ku jiraan nolol ka hooseysa geerida, waayo waxaa heysa Diin la'aan, waxeyna u dhaqmaan sida gaalada ayagoo halmaansan waxii looga baahnaa muslimiinta oo ahaa Alla ka cabsiga iyo ku dhaqanka diinta Ilaahey iyo Sunnadii Rasuulkeenii Muxammad ahaa(S.c.w.).

Haddaba soo kama fiicneyn inay u dhintaan Gaajo ama ku dhintaan gacan ka gardarran, ayagoo muslimiin ah oo iimaankoodii qaba .. Markaasna geeridoodu ka sharaf badnaato, noloshooda maantey ee noqotey camalka Sheydaan.

Dardaaran: Ka badbaadiya naftiina, xaasaskiina iyo carruurtiina Cadaabkaa Alle, oo ku dadaala in aad xal u keentaan sida inaad dajisaan meel lagu xoojin karo islaamnimadooda, taasna dad badan baa awooda. Haddii kale adinkaa la idin ku imtixaamin, sida aan aragno maantey iyo waxa ka dhacaya qoysaskii iyo qaraabadii dhexdooda.

Wax kale iska daayoo dadka qaarkiis waxey ka xishoodaan inay yiraahdaan: "Waxaan ahey Muslim". Soo tani maahan qalbi dilmey u dhammaatey.

Illaahey ha noo siyaadiyo fahmada iyo kheyr doonka!