Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Taliyow Allahayow Aday Taada Noqon .. Mucaaradka Xasan Shiikh Oo Shir Xasaasi Ah Uga Furmay Mogdisho

Tuesday - November 21, 2023




Nairobo- Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo inuu shir wadatashi uga furmo Muqdisho.

Sida ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka, gaar ahaan nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, waxaana shirkooda la filayaa inuu wax ka bedelo saaxadda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada gole, si loo meel mariyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo la filayo in 25 bishan November uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 4-aad Golaha Shacabka oo la horgeyn doono wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.