Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Saaka Puntland Waxa Jooga .. Deni: Caashaay Kursiga Macaana Ma Waxaana Naga Maqnaa .. Mucaaradki Oo Ciil La Dikrinaaya .. Waxgaradka Gaalkacyo Oo Intaan Geeri Dhicin Taliyey

Monday - November 20, 2023




Gaalkacyo- Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka degmada Gaalkayo oo gaaraya ila 9 Xildhibaan, qaar iyo qaar ka mid ah Nabadoonada, Cuqaasha magaalada, Siyaasiyiinta Degmada, Ururada Dhalinyarada iyo haweenka degmada iyo aqoonyahanka degmada ayaa kulan ballaran oo ay ku yeesheen magaalada waxay ka soo saareen Baaq uu ka mid yahay in doorasho la isla og-yahay waqtigeedii 8-da janaayo 2024ta ku dhacdo.

Kulanka ayaa waxa uu shacabka gobolka Mudug ugu baaqeen inaysan ogolaan sharcidaro, doorashaduna ay waqtigeeda ku dhacdo iyagoo madaxweyne Denina ugu baaqay inu ogolaado wadahadal .. Sidoo kale saraakiisha Ciidamada kala duwan ayey ugu baaqeenn inaysan ku milmin khilaafka jira ayna u turaan shacabka kuna shaqeeyaan sharci Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa loogu baaqay in wixii dhib ah oo ka yimaada khilaafka jira uu isagu qaadanayo oo aysan jirin cid la qaybsanaysa madsuuliyaddaas, maadaama uu u dhaartay shacabka lagana doonayo inuu qabto doorasho la isla ogol-yahay oo ku dhacda waqtigeedii 8-da janaayo 2024ta.