Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ha Ooyine Ee Awoodaada Ogow Oo Wax Iskaga Celi .. Waxay Weydiisay Maxaad La Barooraneysaan Maad Sideyda Oo Kale Dishaan Ninki Idin Kufsaday

Saturday - November 18, 2023





Sheekadanu waa mid beri hore ka dhacday Tuulo ay ku nool yihiin dad Kaluumaysato ah .. Raggii oo dhan ayaa u baxay Badda iyo in ay soo Kaluumaystaan dabadeed Iyagoo maqan ayaa Tuuladii waxa soo weeraray Tuug iyo Burcad, wax kasta intay dhaceen oo gurteen ayay Dumarkii oo dhan kufsadeen Mid qura mooyee oo iyadu dishay kii kufsanaayay.

Kadib gurigii ayay ka soo baxday Waxay aragtay Dumarkii oo dhan oo barooranaaya,Waxay waydiisay oo tiri maxaad la barooranaysaan? Maad sidayda oo kale dishaan ninkii idin kufsanaayay Ama aad dhimataan oo sharaftiina u dagaalantaan difaacdaan ? Iyada oo jiidaysa kii is lahaa kufso,Oo Mayd ah.

Dumarkii inta ay wada Aamuseen ayay ku tashadeen in ay iyada dilaan, Si aanay u sheegin ceebtoodii iyo in ay sharaftoodii difaaci kari-waayeen oo ay Ragoodu ku yidhaahdaan: Maxaad sida gabadhaa sharaftiina u difaaci waydeen Ama U dhiman waydeen? .. Naagihi barooranaayey waxay dileen oo Aaseen gabadhii sharafteedii difaacday ee rumaysnayd In ay dhimato ama wax disho oo sharafteeda iyo karaamadeeda difaacdo.

Dumarkan kale ee la kufsaday sharaftoodu qaali kumay ahayn iyo karaamadoodu, awoodoodiina may tijaabin in ay wax iskaga celin karayaan, Oo ismay oranba Waad is difaaci karaysaan oo fikradaasu kumay soo dhicin.

 Markaa dad baa jira sida Dumarkaas la kufsaday oo kale ah oo awoodooda arkayn oo tijaabinayn oo ogayn in ay wax iska celin karayaan, Oo  markasta ooyaaya barooranaaya goor kasta, Oo aan ogayn in ay wax iska celin karayaan, Oo kii sharafta iyo karaamada lahaa xag-xaganaaya oo caayaaya oo dhaliilaaya .. Sharaftaa iyo karaamadaada iyo awoodaada waa inaad garataa oo ogaataa.