Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dadka Puntland Waa Tii Niyad-sami Walaal-tinimo Ay Ku Dhisteen Maamul Ee Xagee Wax Ka Qaloocdeen .. Jawaabta Waxaa Cashar Ku Qotama Aqoon Sareysa Ka Bixiyey Aqoon-Yahan Faarax Aw Cismaan

Friday - November 17, 2023





Laba isku ma diiddana Puntland waqtigaan la joogo iney geeri go'an isa soo taagi-doonto waase haddi aysan is daba-qaban, balse cidna ma mooga in xaalkeedu gaarsiisan-yahay kala daadasho iyo kii Talo wanaagsan keena la ceebeyn ILa heer hub laysugu goodiyo iyadoo kuwi cumaamada ino sitay Boqoro, Suldaano iyo Ugaas-yaba ay noqdeen Haad iyo Eegto .. Hadaba Dadkani waa kii niyad-sami ku heshiiyeen oo ku walaaloobay danta guud, midnimada aaminay, Dastuurki iyo golayaashi sharciga ah doortay, isla markaana bulshadaan dadkeedu waxay sheegan jireen oo ku faani-jireen iney iyagu yihiin hooyada wax walba oo wanaagsan hormood u ah, sida wadaniyada, xadaarada, amniga, isla-noolaashada iyo wixi la mida .. Hadaba Weeydiintu waxay tahay Xagee waxaani ka biloowdeen oo ka qaloocdeen?   

Su'aashaan Jawaabteedu oo sida cadceeda u cad, waxaa si fiican sharxaad aqoon sareysa ku qotanta ka bixiyey Aqoon-yahan caan ku ah arlada Somaliya iyo weliba gaar ahaan carrada Puntland Dr. Faarax Aw Cismaan u sidaan qodobeysan nooga haqab-tiraaya:

1- Laga Bilaabo marki reer Puntland maamul sameysteen ee irsaaqadi yareyd ee magaca dawlada lagu helay gaar ahaan caawimaadi dunida bixineysay iyo wixii ka soo baxay Dekada Boosaaso ay weheliso shaqooyinki koobnaa ee laga helay xafiisyada iyo NGO-yada waxaa inta badan gaar u yeeshay oo afka ku shubtay qabiilo gaara, laakiin Kolki dambe ee dawlad-nimadi shaqeysay habki sidaa ahaa waxba lagama bedalin ee waa caadiyoobay ..  Cala ay xaal Mushaarooyinki dawlada, Qandaraasyadi oo dhan iyo Sama-falki dibada ka iimaanaayey intaba waxaa iska yeeshay reer qura, mayee wuuba ka sii daray, waxaase xusid mudan guud ahaan kharajka dawlada 90% waxa u gala gacanta, jeebka, caloosha iyo dhulka beelo gaara, sido kale xilalka iyo darajooyinka reerkaasi qiyaasti waxa u haysta 70% ay ku jiraan meelaha dalka ugu muhimsan.

2- Dhinaca kale kuwa hogaanka ino qabtay iyo kuwa hadda u tafa-xaydanaaya faham fiican kama haystaan dawlad-nimada oo uma arkaan masuuliyada ay hayaan in Alle weydiin-doono, isla markaa bulshadu kula xisaabtami-doonto .. Masuulintaas waxay u arkaan hogaanka iyo dawlad-nimada Suuq laga dukaameysto amase Ceel kaalinkiis haddaba qolo horweyn-toodu u soo aroorto.

3- Qodobka Sadexaad waxaa Nasiib daro ah in shaqsiyaadki waayo araga ee suubanaa oo dawladnimada yaqaanay, isla markaana lahaa isku wadka bulshada u gabi-ahaanba gababsi-yahay, halkoodina ay galeen Rag aan waxba xeerineyn, talaba canaad kaliya ka yaqaan, balse qaarkood markayba dhaqaaqayaan kolba Jeex soconaaya oo qayba iyado aan is ogeyn waxay doonto ku hadleysa, kuwaaso aan ogeyn cawaaqib xumida ka dhalan karta hadala-dooda, ficila-dooda iyo saameynta ay ku yeelan-karto mustaqbalak Puntland, waxaa loo dhurtay ficil Tolnimo iyo kan baa Danta wada, isla markaana calooshooda wax la doonaaya waana sababta ugu weyn ee meesha Puntland u si fool-xumaaneyso

4- Runti waxaa jira Puntland oo maanta naxashka saaran, ma jirto cid dhanka badbaadinta u socota ama ka imanaysaa .. Dadweynaha iyo waxgaradka quusta taagani dhagta ayaa u taagan oo arinkaas meel laga wada arkay khasabna goor ay noqotaba kacdoon ka dhalan-doonta.

Xalku waa maxay? Xalku waa in mar haddii dawlad-nimadii iyo sharcigii lagu dhaqmi-waayey oo dawlada la wada yeelan-waayey, Cidda qura ee maanta hadalkeeda la dhagaysan karaana waa cidda qabiilnimo wax is kaga celisa, waayo burcadda qabyaala-deed ma laha garasho iyo nafsiyad taa lagaga badbaado, oo waxa ay ku sakhraansan-yihiin Sedbursi iyo Dhereg 30 sano baarka ka jartay.

Ugu dambeysti, waxaa Axaadiistu inoo sheegeen in aakhiro Zamanka Dadka caqliga laga siibi-doono, sidaa daraadeed waxaa shaki ku jirin in aynu ku jirno waqtigaas ..  Hadaba Waa Faarax Aw Cismaan oo idin leh iLaahay sida kheyrka qabta ha ina waafajiyo, isagaana Mahad iyo Maamuusba iska leh .. Suubanaa Koreya