Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Nin Qoys Ku Hungoobay Wasiir Ma Noqon-kara .. M/weyne Xasan Oo Golaha Wasiirada Ugu Goodiyey: Amarkeyga Qaata Haddi Kale Farta Dhexda Ka Qanini-Doontaan Oo Maanta Jaanis Haysta Inaan Idin Badalo

Monday - November 13, 2023



Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Madaxweynaha oo maanta shir guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayay gurmadka daadadka ka dhashay roobabka Elnino ayaa shirka qeybtiisa labaad waxaa uu si gaar ah ula hadlay xubnaha Golaha Wasiirada.

Ilo goobjoog ahaa ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweynuhu aad u careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka.

Mudane Xasan Sheekh waxaa uu u sheegay Golaha Wasiirada in ajandaha dowladdiisa ay ahaayeen afar qodob, kuwaasoo labo ka mid ah oo isaga toos mas’uul uga ahaa uu ku guuleystay. Waxaa uu u sheegay in ajandayaasha deynta cafinta iyo cunaqabateynta hubka uu qaarna ku guuleystay, qaarna ay meel fiican u marayaan, hase yeeshee labada qodob kale sida dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab uu ka muujiyay saluug, isagoo si gaar ah isu dul-taagay arrinta Dastuurka.

Waxaa uu Madaxweynuhu u sheegay Wasiirada inay ka shaqeeyaan meel marinta siyaasadda dowladda “Ma rabno in aan idin daadino, haddii nagula qasbo waa idin daadineynaa, rag kale oo jaakado wata oo bannaanka taagan ayaa idinku bedeleynaa”