Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Aadamigu Marka Ay Maskaxdiisu Noqoto Mid Naafo Ah Dhibta Uu Geyasanyo Ayaa Ka Badan Waxtar-kiisa.

Saturday - November 11, 2023



Dadkii hore marka ay safarka Badda ku jiraan waxa soo waajihi jiray dhibaatooyin badan sida Badda oo kacsan, Dabaylo,  Duufaano iyo Roobaab mahiigaano ah oo jihada doonta ka lumiya.

Zamankaas amase waqtigaas dadku ma haysan Maraakiibta iyo Doonayha mishiinka casriga ah leh, waxayse ku safri jireen Doonyo Shiraac leh oo dabaysha la sheqeeya .. Wakhtigaasi waxay dadku aaminsanayeen caadooyin kala duwan, waxaana marka ay iska xejin-waayaan Dabaysha ay Naakhudayaashu iyo dadku aaminsanaan jireen inuu Mayd ku jiro sanduuqyada dadku wataan, oo khiyaamadaasi awgeed ay keentay ciqaabka.

Waxay baarista ku bilaabi jireen Alaabada, marka ay ka quustaan in Qof soo saaro iyadoon la baarin, haddii taasi laga waayo waxay oran jiren waxa inaga mid ah qof habaaran oo baxsad ah sidaa awgeed waxa dadka lagu khasbi jiray inay loo qori tuur oo kii ay u soo baxdo Badda lagu tuuro .. Dhaqankan ayaa ah mid salka ku hayay marka ay dadku u nool yihiin sida Xayawaanka, waayo kama faa’iidaystaan caqliga, waxaana ay adeegsadeen khurafaad iyo sheekooyin been iyo maala- awaal ah. 
Aadamigu marka ay maskaxdiisu noqoto mid naafo ah dhibta uu geyasanyo ayaa ka badan waxtarakiisa.