Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dulmi Iyo Duli Aan Aqoon Logaga Badbaadaa Jirin Ayaa Lagu Hoobanayaa .. Dhaqan Xumooyin Oo Dhan Baa Guul Iyo IL-Baxnimo La Moodaaya .. Garoowe Waa Dhabaqsan-tahay

Tuesday - November 7, 2023




Garoowe – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Iska hor imaadkan oo ka dhacay bartamaha caasimada Puntland ayaa waxaa uu ka dhashay is rasaasayn dhex-martay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaridka ka soo horjeeda madaxweyne Saciid Deni.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in ciidamada maamulka oo gelbinaya nin YouTuber ah oo ka yimid dibadda lagu weeraray barxadda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sida ay ogaatay galdogob Times, iska hor-imaadkan ayaa waxaa ku geeriyooday Hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka maamulka ee la sheegay inay galbinayeen ninka YouTuber-ka ah.

Si dhab ah weli looma ogga illaa hadda waxa sababay iska hor-imaadkan khasaaraha dhaliyay, ayada oo aysan weli ka hadlin laamaha amniga Puntland iyo maamulka degmada.

Iska hor-imaadkan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka ee ka soo horjeeda Saciid Deni ay hoobiye ku tuureen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada, wallow aan laga soo warin wax khasaare ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa meel adag iska tagay qorshaha doorasho ee maamulkaasi, ayada oo Saciid Deni iyo kooxdiisa ay iclaamiyeen jadwal doorasho oo muddo dhaaf ah, taasi oo uga sii dartay xiisadda ka taagan Garoowe.