Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dardaaran Waa Inta Xayiga La Yahay .. Sheekada Itoobiyaanku Aad Bey U Qaayo-Weyntahay .. Itoobiya Oo Baaq Kale Ka Soo Saartay Qorshaheeda Marin-Biyoodka

Sunday - November 5, 2023





Adis-ababa - Dawladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii la xiriiray inay galangal u yeellato deked ay isticmaasho oo ka mid ah kuwa ku yaalla dalalka jaarka la ah.

Wasiirka Wershadaha Itoobiya Meleku Alebel, ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ay ku doonayso Marso ay isticmaashaa uu yahay mid ku sallaysan in la helo faa’iido dhinac walba waxtar u leh oo lagu horumarinayo koboca dhaqaalaha.

Wasiirka wershadaha Itoobiya oo u warramayay wakaaladda wararka ee ENA, ayaa sheegay in dawladda Abiy Ahmed ay hannaan sharci ah u marayso codsigeeda ku wajahan dhinaca marin-biyoodka.

Wasiirku wuxuu dalalka jaarka ah ku booriyey inay xurmeeyaan codsiga dawladda Addis-ababa si looga wada helo faa’iido dhaqaale, hase ahaatee aanay Itoobiya ku doonayn hanjabaad.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Itoobiya imika uun aanay doonayn, hase ahaatee mustaqbalkana ay u baahan tahay marin biyood ama marso, waxaanu xusay in aan loo baahnayn in dalalku u arkaan hanjabaad iyo halis.

“Hadafka Itoobiya ma aha dagaal iyo siyaasad ee waa mid ku sallaysan nabad iyo dhaqaale waara oo dhinacyada oo dhammi gaaraan,”ayuu yiri Wasiirka Wershadaha Itoobiya Mr. Meleku Alebel.