Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Daaciishta Iyo Al-Shabaab Waa Dugaag Ayax Dhalay Iyo Aboor Is Wata .. Xubno U Socday Daacishata Buuraha Boosaaso Oo Ka War Bixiyey Sida Gacanta Loogu Dhigay

Saturday - November 4, 2023




Labo nin oo katirsn kooxda Daacish oo lagu qabtay magaalada Boosaaso, laguna xukumay xabsiyo dhaadheer, ayaa markii ugu horraysay ka soo muuqday warbaahinta, iyagoo ka hadlay qaabkii laamaha amnigu ay ku soo qabteen.

Salmaan Cumar Maxamuud oo ururka Daacish uga yimid magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in bishii August ee sanadkan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Salmaan wuxuu sheegay in laamaha amnigu ka shakiyeen markii uu isku qalday macluumaad ay Daacish taleefoonkiisa ugu soo direen si uu garoonka diyaaradaha ugaga soo gudbo.

Macluumaadkaas ayaa ahaa, inuu sheegto inuu Abti u yahay nin nabadoon ah oo lagu balamiyay inuu ugu yimaado garoonka Bosaso, si uu usoo damiinto, ka dibna ugu waeejiyo Daacish.

Nabadoonka lagu balamiyay ayaa ka shaqayn jiray inuu hay’adaha amniga ka damiinto xubnaha Daacish ee lagu qabto garoomada diyaaradaha iyo kantaroolada.

Salmaan oo sheegay inuu horey uga tirsanaa culimada Tabliiqa, waxa uu sheegay in ay Daacish ku tashkiiliyeen inuu ku soo biiro, una soo safro magaalada Boosaaso, iyagoo usoo diray tikidkii uu ku soo bixi lahaa.

Ninkaan ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay in maskaxdiisa laga dhaadhiciyay in Daacish ay yihiin dad diinta ka shaqeeya oo aan ku lug lahayn dilalka iyo lacagaha baadda ah.

Wuxuu sheegay markii la qabtay oo la xiray inuu qirtay inuu Daacish u socday, islamarkaana uu u yeeray nin saaxiibkiis ahaa, kaasoo 7 sano ka hor ku biiray Daacish.

Cabdullaahi Shire Aw- Yuusuf, isna wuxuu qirtay inuu sarkaal ka tirsan Daacish uu lacago kaga helo si uu ugu soo qaado shakhsiyaadka Daacish uga yimaada meelo ka baxsan Boosaso.

Bishii September, maxkamadda ciidamada sida ee Puntland ayaa 15 sano oo xabsi ah ku ridday Salmaan Cumar Maxamuud, halka  Cabdullaahi Shire Aw- Yuusuf, lagu xukumay 5 sano.