Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Somaliland Oo Maanta Naxashka Saaran Ma Jirto Cid Dhanka Badbaadinteeda U Socota .. Somaliland Ayaa Gaashaanka Ku Dhufatay In Hawl-galka Ciidamada ATMIS La Keeno Somaliland

Tuesday - October 31, 2023



Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo khuseeya muddo kordhinta ATMIS ee Soomaaliya .. qaraarkaas u muuqan-kara mid soo jeedinaya in ATMIS-ka shaqadiisa ay ku jirto Somaliland.

Hadaba  war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada arinkaa Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay hadal kastoo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku tilmaamayo in shaqada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku jirto Somaliland, 

Somaliland aad ayay uga walaacsan tahay taladan AMISOM iyo kuwa beddelaya (ATMIS) ayaa ah howlgal nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku wajahan go’aan kastoo shaqada ATMIS ku xiriirinaya Somaliland, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.”