Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimaca Barakeysan .. Bal Eeg Awooda Tasbiixda Iyo Sida Ay Nolosheena U Badbaadiso

Thursday - October 26, 2023





Nabi Muxamad SCW, intii uusan waxyiga Alle ku soo dagin ka hor Qureesh iyo ehelladiisu waxa ay u yaqaaneen Muxamad-Amiin "Run-badane iwm" Balse markuu Alle doortay ee uu nabiga noqday ee uu risaaladii iyo masuuliyadii Alle SWT uu u wakiishaday ula tagay way beeniyeen oo aflagaadeeyeen.

Waxa ay ku dhaheen waad waalan tahay, waad sixrantahay iwm .. Waxa ay gaarsiiyeen dhib iyo ciriiri qof bini'aadmi ahi uu maro midkii ugu darnaa.

Kadib Alle SWT waxa uu ku yiri : "Waxaana ognahay Laabtaadu inay ka ciriiryamayso waxay sheegayan ( Ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa kana mid ahaw kuwa Alle u Sujuuda"

Isla markii uu ka baxay dhibtii iyo ciriirigii lagu hayay ee uu ka guul gaaray yool-kiisiina, waxa uu Alle SWT Amray Isla wixii uu Amray markii uu dhibta la kulmayay waxa uuna ku yiri: "Markuu yimaaddo gargaarkii Eebe iyo Fatxiga (Furashada Maka) Ood aragtid Dadkoo Diinta Eebe u soo gali Kooxo-kooxo U Tasbiixso Eebe adoo ku mahadinaya Dambi dhaafna waydiiso illen waa dambi dhaaf badanee.

Waxa aynu ka fahmaynaa casharkan lasiiyay suubanaha in Tasbiixda iyo adkaartu ay muhiim u tahay nolosheena, laynana Amray in aan la imaano marka aynu ciriiri dareeno iyo marka aynu guulaysano ee aynu farxadda iyo barwaaqada ku jirno labadaba  

Astaqfuru-laah .. Subxaana-Alaah .. Wal-Xamdu Lilaah .. Wa Laa-ilaaha ila Laah .. Walaahu Akbar