Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dalkeenu Bar Haysta Weliba Doonaya Badaha .. Dalka Jabuti Oo Ka Hor Yimid Damaca Itoobiya Ee Bad Cas

Tuesday - October 24, 2023




Jabuuti waxay ka mid tahay Marinada Maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka .. hadaba Alexis Maxamed, oo ah la taliyaha madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu yahay Dal Madaxbaan oo aan su’aal la galin-karin madax-banaanida sharaftiisa dhuleed 

Alexis Maxamed ayaa intaa ku daray oo yiri "Labadayada dal had iyo jeer waxaanu sii wadnaa xiriirka saaxiib-tinimo ee naga dhexeeya, Laakiin sidoo kale waa inaad ogaataa in Jabuuti ay tahay Dal madax banaan, sidaas darteed, midnimada dhulkeena ma aha mid la is waydiin-karo, maanta iyo berri toona.
Sidoo kale la taliyaha wuxuu yiri: dalalka Eritrea iyo guud ahaan Somalia ayaa iyaguna si adag gaashaanka ugu dhuftay damaca Raysal Wasaaraha itoobiya ee ah inuu deked ka helo Badda Cas.