Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dib Dambe Ma U Dhaceysa Beel Beel U Talisa .. Beelihi Darafyada Waa Tageen Ee Isaaq Yey Isu Yeel-Yeeli-Doonaan .. Korneyl Muuse Bixii Oo Aan Weli Ku Quusan Aqoonsiga Khaatumo State

Monday - October 23, 2023





Hargeysa – Xukuumadda U hogaaminaayo Korneyl Muuse Bixi ayaa mar-kale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi oo wareysi siiyay telefishanka Sahan ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, hase yeeshe looga soo duulay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Waxa kale uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay.

“Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula harin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo hadal qaaday qadiyadda wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda federaalka ay kula hadli karto oo kaliya fagaare caalami ah, oo loo dhan yahay iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.”

Somaliland ayaa dhawaan ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.