Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Shacabki Reer Booraame Oo Guux Bilaabay .. Nabad Nooga Baxa

Saturday - October 21, 2023




Boorama - Hadalkii shalay ka soo yeeray ugaaska Guud ee Beesha Gadabuursi (Samaroon)  Ugaas Cabdirixiin Ugaas Rooble ee ahaa in beesha dhexe ee Somaliland ka baxdo deegaanada Beeshiisa Samaroon ayaa dareen ka dhex abuuray shacabka Gobolka Awdal ee Somaliland.

Dareenkaasi ayaana sababay in xukuumada Somaliland ay wafdi culus oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiirada kaga jira beesha Samaroon ay u dirto Gobolka Awdal, kuwaasi oo shirar la leh waxgaradka kala duwan ee shacabka Boorama.

Wafdi uu hogaaminayo Saylici kama ay hadal qodobada ay kala hadlayaan wax garadka Boorama, balse xogaha ay helayso shabakada Galdogob Times ayaa sheegaya in xukuumada Muuse ku dadaalayso inay wax ka qabato cabashada Awdal, si ayna Awdalna u marin wadadii ay martay Sool.