Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Doqon Tol Ha Moodin Dil-Kaaga Bay Ku Maqan-tahay .. Abwaan Nageeye Ee Xagaad Ka Dhacday Ma Adaa Ka War Keeni Khawaarijta .. Wasiir Fiqi Oo Sir Weyn Qarxiyey

Saturday - October 14, 2023




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay shaqsiyaad ka tirsanaa dowladda oo ku biiray mudooyinkii dambe kooxda Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la isku dhex milnaa, hayeeshee dowladda Fedaraalka ay xooga saartay in la shaandheeyo shaqsiyaadka xiriirka la leh Shabaab ee ku dhex jira dowladda.

“Waxa aan rabnaa in aan isku isbahaysano oo aan isku kaashano la dagaalanka Khawaariijta Argagaixisada ah, Ciidanka Nabadsugidda kuwa jiray, Booliiska kuwo kamid ah ayaa fakaday, Militariga kuwo saraakiil ah ayaa lasoo qabtay oo la toogtay qaarna ay galeen, Guddoomiyihii Baarlamaanka Darawilkiisa waad maqlayseen, Dal waxa aan ku dhex jirnay la is dhex galay, Eedda Dowladdaani ma lahan fursaddaas ee Dowladdii hore ayaa bixisay, Hadda waa la kala soocmay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inu u goostay kooxda Al-shabaab inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ka shaqeynaayay dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed.

“Nageeye haduusan na dhihin waa idiin gabyaa uusan isku keena qarxinin waa ilaahay Mahadiis, Waa la kala soocmay hadii laysku dhex jiray” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay arinta Abwaan Nageeye hadal heynteeda ay si weyn u qabsatay baraha Bulshada, taasoo dhalisay doodo kala duwan.