Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Waa Qiso La Magac Baxday " Muxuu Shaaha Ula Soo Daahay"

Thursday - October 12, 2023



Nin Hindi ah ayaa wuxuu gaaray Halka laga raaco Tareenka, isagoo Sugaayay inuu yimaado Tareenkii uu Raaci lahaa, waxaana loo Sheegay in uu imanaayo 7:00 fiidnimo, taasoo uga dhigneyd inuu Hal saac Sugo. wuxuu isku dayay inuu eego waxa ka socda Goobta Tareenadu ka baxaan si uu Waqtiga isku Dhaafiyo. Rakaab aad u yar ayaa joogay.

Haddaba, wuxuu Arkay Koox wiilal ah oo meesha ku Ciyaarayay. Wiilashii waxay Xirnaayeen Dharar Dhamaad ama Duug ah waxaana ka Muuqatay Diif iyo Darxumo, balse aad bey ugu Faraxsanaayeen Ciyaartooda.

Hindigi Wuxuu u baahday inuu Shaah Cabo, maadaama uu Qabow yar jiray. Nasiib daro Maqaayada Shaah keliya ee Goobtu lahayd wey ka yara Fogeyd, isaguna kama Tegi karin Boorsooyinkiisa oo dhan. wuxuu u yeeray mid ka mid ah Wiilashi goobta ku ciyaareysay, wuxuu weydiiyay inuu Shaah u keeno, wuxuuna u Dhiibay Lacag Shan  Rupees oo ah Lacagta laga isticmaalo Dalka India 

Wiilkii wuu baxay si uu Shaaha ugu keeno, laakin Waqtigi wuu is Guray, Nus Saac ka dib ayaa Tareenkii yimid, waana inuu Deg-deg u raaco, wuxuu is tusay in Wiilkii Lacagta la Cararay, wuxuuna isku Canaantay inuu Wiil Ciyaal Suuq ah uu Aminay. Wuu istaagay si uu Boorsooyinkiisa u qaato kolkuu u Dhaqaaqay dhinaca Tareenka ayuu maqlay Cod u Qeylinaaya oo leh : Mudane, Shaahaagi. Dib ayuu u jaleecay, wuxuu weydiiyay, Maxaad Shaaha ula soo Daahday?.
 
Wiilki ayaa isagoo Shaahi Gacanta Ku Haya wuxuu yiri: Waxaa iga Lumay Lacagti, ka dibna waxaan Maqaayadii Shaaha aan kaaga soo iibinayey ayaan ka Codsaday inaan Alaabta u Dhaqo si aan Shaahaagi kuugu keeno .. Hindigi Jawaabti Wiilka ayaa Qalbigiisa taabatay kana murugooday, isla markiina indhihiisa ilmo ay ku soo joogsatay.