Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Netanyaahu Qaabki Xuma Isku Qafilay Kolba Si Afar Qaadaya .. Oo Ku Hanjabay In Ay Bixinayaan Jawaab Khariidada Bariga Dhexe Wax Ka Badasha

Tuesday - October 10, 2023




Tel Aviv- Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Israa’iil ee ay ka qabsadeen dagaal-yahanada Xamaas ee ku dhow xuduudka Marinka Gaza, balse waxaa meelaha qaar ka socda iska horimaadyo ay la galeen Rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah.

Xukuumadda Yuhuuda ee Israel oo wada duqaymo aan kala qjoogsanayn oo ku waajahan Qaza, ayaa sidoo kale waxay amartay in go'doomin dhameystiran’ lagu sameeyo Gaza, iyadoo la jaray Layrkii, cunnada iyo shidaalka, waxaana laga soo sheegaya Qaza in aannay jirin Cusbitaalada dawooyin iyo agab caafimaad

Sidioo kale, Xoogaga Xamaas oo weli ka dagaalamaya guddaha Magaalooyinka Israel, isla markaana gantaalo la beegsanaya guddaha Magaalooyinka Yuhuuda, balse jawaabta ay bixinayaan Israel ayaa noqotay mid aan la malasyan karin oo cawaaqib xun keeni karta, madaama ay warar qaar sheegayaan in hubka lagu duqaynayo Qaza uu yahay mid dunnida mamnuuc ka ah.

Warbaahinta Israel, ayaa ku warramaysa in dhimmashadu ay kor u dhaaftay 900 oo qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarradii Sabtidii ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib markii ilaa 100 kale oo Maydadka Askarta Yuhuuda laga helay goob yar oo Beeralay ah oo u dhow xudduudda Gaza.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in qaar ka mid ah mintidiinta falastiiniyiinta ay weli ku sugan yihiin dhulka Israa’iil, waxaana uu sheegay in duqaymaha cirka ee ka socda marinka Qaza ay bilow u yihiin howlgal ballaaran, isagoo yiri, “Weerarka Xamaas wuxuu waxa ka beddelayaa khariirada Bariga Dhexe taas oo loo fasiray in Yuhuudu go'aansatay in gebi ahaanba la xasuuqo Falastiiniyiinta Qaza.