Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Daraasad La Sameeyey Ayaa Lagu Ogaaday Faaiidada Toonta

Monday - October 9, 2023




Toonta waxay ka id tahay khudaarta ugu da’da weyn ee dunida laga beerto .. Geedka Toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida Basasha, Basaaska iyo kuwa kale .. Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan, waxaase arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu Hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.

Faa’idada ay caafimaadka u leedahay toonta

1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsa, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha .. Dad badan waxay riiqaan Toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya.

2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka  iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka, waxay ka hortagta xinjirowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii’aadanka ugu dhex socdo.

3. Waxay ka hortagtaa Kansarka: Toonta waxaa la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta Toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani.

4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska: Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya.

5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha Banii’aadanka

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo-burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka. Sidoo kale cilmi-baarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen