Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wixii Shabaab La Diriraaya Bogaadin Bey Mudan-yihiin .. Xogta Safarka Madaxweynaha Uu Ku Aaday Dalka Eretria

Sunday - October 8, 2023




Mogdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida .. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Xogta safarka madaxweynaha ee Ereteria ayaa lagu sheegay iney tahay sidii dowladda wadankaas looga codsan lahaa tababaridda ciidamo kale oo dheeraad ah iyo waliba inuu la kulmo ciidamo halkaas tababar u jooga.

Waxa madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda qorsheynayaa tababaridda ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb gala dagaalka looga soo horeedo argagixsada Shabaab.

Soomaaliya ayaa hadda u muuqata iney cagta saartay wadadii horumarka nabadd iyo amniga iyada oo laga takhalusay dhinacyo badan oo diidaanaa horumarka Soomaaliya.

Waxaa dhanka kale xiligan aad loo hadal hayaa dagaalka Wajiga 2-aad ee Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada ay ku harsan yihiin ee Koofur Galbeed iyo Jubbaland.