Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Madaxweynaha Dunida Ugu Faqiirsan .. Hanti Waxaa U Ka Leeyahay Gaari Qiimihiisu Yahay 2000 Oo DOOLAR

Sunday - January 6, 2013


Montevideo - Xilli ay inta badan ee madaxweynayaasha dunida saddexaad ka warwareegaan in ay sheegaan xaddiga uu yahay mushaharkoodu ama inta uu ku filnana waayo ay u soo weydaartaan hanitada qaranka, ayuu madaxweynaha dalka Uruguay Jose Mujica ku calool adaygay in uu boqolkiiba 90 mushaharkiisa ugu deeqo hawlaha samofalka ee wax loogu qabanayo dadka baahan, taas oo uu ku helay aqoonsi caalamiya oo ah in uu yahay, madaxweynaha ugu faqiirsan madaxda dunida oo dhan, isla markaana ah kan ugu deeqsisan.
Madaxweyne Jose oo ah 76 jir xilka loo doortay bilowgii bishii Marj 2010ka waxa uu ku noolaan jiray, imikana waqtigiisa firaaqada ku qaataa guri aad hooseeya oo ku yaalla duleedka miyiga ah ee caasimadda oo ay kuwada nool yihiin xaaskiisa Lucia Topolansky oo iyaduna xubin ka ah golaha odayaasha ee dalka Uruguay si la mid ah odaygeedana ku tabarucday mushaharkeeda intiisa badan.
Madaxweyne Jose waxa uu wataa gaadhi gaadhi qaddiimi ah oo noociisu yahay Volkswagen beetle waana hantida keliya ee uu leeyahay, maadaama oo guriga iyo beerta yar ee uu ku dhex yaallo ay leedahay xaaskiisu, mushaharka uu xaqa ugu leeyahay dalkiisu waa 12 kun iyo 500 oo doolar laakiin waxa uu kala hadhaa boqolkiiba toban keliya oo u dhigma 1250 (Kun, Laba boqol iyo konton) doolar inta kale oo ah boqolkiiba 90na waxa uu ugu deeqaa hay’adaha gargaarka dadka baahan. Madaxweyne Jose oo dhowaan la hadlay wargeyska El Mundo ee ka soo baxa dalkaas ayaa mar arrintaa wax laga weydiiyey waxa uu ku adkaystay in xaddiga yar ee uu kala hadhay mushaharkiisu uu ugu filan yahay in uu dalkiisa nolol fiican ku dhex helo, sidaa awgeed uu door bidayo in uu dheeraadka u hibeeyo dadkiisa dakhligoodu yar yahay ee aan heli karin noloshan uu isagu haysto oo kale.
Madaxweyne Jose ma laha xisaab bangi mana jirto cid deyn ku leh ama uu ka qaataa, waqtigiisa firaaqada waxa uu ku qaataa gurigiisa foosha xun waxa aanu habeen iyo maalin ku ducaystaa in marka xilkiisa madaxweynenimo dhammaado ay isaga iyo xaaskiisu nolol nabadgelyo ku dhex helaan gurigooda iyo beertooda yar.
Hay’adda International Transparency ee ka faalloota arrimaha musuq-maasuqa ee dunida ayaa warbixin ay dhowaan ka soo saartay dalka Uruguay waxa ay ku caddaysay in muddadii uu xilka madaxweynenimo hayey Jose Mujica uu si aad ah hoos ugu dhacay heerka musuqmaasuqu, taas oo dalkan ku yaalla koonfurta qaaradda Ameerika ka dhigaysa dalka labaad ee ugu musuq-maasuqa yar Laatiin Ameerika. Madaxweyne Jose waxa uu sheegay in sida ugu fiican ee wax loo sixi karo, amarkana looga dhigi karo mid fulaa ay tahay in marka hore ficilka uu ku dhaqaaqo qofka talada hayaa si dadka kalana ay ugu daydaan.
Madaxweyne Jose ayaa lagu tilmaamay hoggaamiye aaminsan isku duubnaanta shacabka iyo hoggaanka oo ka ag dhow shucuurta dadkiisa, arrintaas oo waqtigan la joogo ah waxa ugu badan ee ay shucuubta dunida saddexaad ka doonayaan madaxda hoggaamise ee loogu taag la’ yahay in ay xaal ogaadaan dadkooda iyo in ay dhaqaalaha dalka ka ilaaliyaan in uu dhowr qof jeebadahooda ku ururo.
Warbaahinta dalka Uruguay oo dabayaqaada toddobaadkii hore ka faallootay xaaladda nololeed ee madaxweynahooda ayaa sheegay in iyada oo uu dalkaas foodda ku soo hayo waqtigii uu qabowga jiilaalku ugu darnaa in uu madaxweyne Jose Mujica qoysaska masuuliyiinta darajada hoose ee dalkiisa iyo dadka danyarta ah u fasaxay in ay soo degaan qaybo ka mid ah qasriga madaxtooyada ee dalka si ay uga dugsadaan dhaxanta xad dhaafka ah oo aanay awoodayn in ay iibsadaan qalab ay iskaga dugsiyaan. Dalabkan madaxweyne Jose waxa uu yimi markii uu dhowaan ogaaday in guryaha ay dawladdu ugu talo gashay in ay muwaadiniinta dan yarta ahi u guuraan xilliga ay dhaxantu aadka u daran tahay aanay dadka ku wada filnayn, sidaa awgeed waxa uu soo jeediyey in dadka loo waayo guryaha iyo shaqaalahaba loo furo albaabada qaybo ka mid ah qasriga si ay dhaxanta uga galaan. In uu tallaabadan oo kale qaado madaxweyne Jose kuma cusba dadka reer Uruguay oo waxa ay weli xasuusan yihiin in 24kii May 2012kii oo uu qasriga madaxtooyada qayb ka mid ah dejiyey haweenay iyo carruurteedii oo aan lahayn guri iskana bixin karayn kiro, waxa aanu qoyskaasi qasriga deggenaa illaa ay hay’adda daryeelka dadka baahan ee qaranku u soo heshay guri ay degaan oo bilaa lacag ah.
Qasriga madaxtooyada ee dalka Uruguay oo ah dhisme aad u heer sarreeya ayuu isticmaalkiisu yaraaday tan iyo markii ay talada dalkaa la wareegeen siyaasiyiinta afkaarta bidixda aaminsani, madaxweynihii hore ee dalka Uruguay Tabare Vazquez ayaa isagu xilligiisii diiday in uu qasri sidan u qiimo badan dego isaga oo og xaaladda nololeed ee dalkiisa, waxa aanu keliya qasrigan isticmaali jiray marka uu soo dhoweynayo madaxda dunida ee booqashada ku timaadda dalkiisa, madaxweyne Jose ayaa isna raacay dhabbahaa ninkii ka horreeyey isla markaana ku sii daray tallaabooyin cusub oo ah in dadka baahan xilliga dhaxanta loo furo qasriga.
Madaxweyne Jose ayaa lagu tilmaamaa nin aan jeclay in la sheego tabarucaadka uu bixiyo iyo weliba tallaabooyinka uu ku caawinayo dadkiisa baahan, waxa aanu iska ilaaliyaa in uu ka soo baxo talefishannada, laakiin waa hoggaamiye shaqo badan warbaahinta dalkiisuna waxa ay jeceshay in ay ugu yeedho, Madaxweynaha dadka faqiirka ah.