Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ereteria Ugu Baaqay Soo Deynta Maxaabiista Dagaal ee Ay Ka Hayso

Saturday - January 5, 2013

Djibouti - Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa mar kale Eriteriya ka dalbaday si ideynta maxaabiista ay ku qabsadeen dagaalkii dhexmaray 2008, waxaanu farriintan Ereteriya ugu diray khudbadiiisii sannadka cusub ee 2013.
 
Madaxweyne Ismaaciil, oo khudbadiisi sannadka cusub u jeediyey shacabkiisa ayaa ku sheegay in muhiim tahay sida reer Jabuuti u xusuusan yihiin una xushmeynayaan shuhadadii ku geeriyooday difaaca dalkooda, welina Jabuuti xusuusan tahay kuwa weli xabsiyadda Eriteriya lagu hayo. " Waan u duceynaynaa inay soo laabtaan sannadkan 2013” ayuu yiri, isagoo raaciyey,  “Kama daalayno sidii arrinkani u suurtoobi lahaa, xal waara lagu dhamayn lahaa, khilaafka Ras Dumera.”
Djibouti ayaa marar badan ku celcelisay siideynta maxaabiista dagaal ee Eriteriya hayso, laakiin Ereteriya oo dunida go’doon diblomaasiyadeed kaga jirtaa dheg uma dhigin dhawaaqyadan, inkastoo Amiirka dalka Qadar dhexdhexaadiyey labada wadan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil ayaa sidoo kale ka hadlay dhamaystirka mashaariic badan sannadkii 2012, oo ka mid ahaayeen dekedda Doraleh, iyo kuwo kaloo socda, sida dekedda  Tajoura, is-faham ay wada gaareen Itoobiya oo ku saabsan isdhaafsiga biyaha cabitaanka iyo warshad biyaha badda sifeysa oo ay  Midowga Yurub wada gaareen.
Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale u soo jeediyey bulshada maadama sannadkan doorashooyinkii baarlamaanka gelayaan ay masuuliyad muujiyeen, kana dhabeeyaan ka qeybqaadashada adeega bulshada.