Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Ballantii Sadexda Tuug By Saciid Maxamed Gees

Thursday - January 3, 2013

Saddex Nin oo qawlaysto ah, ama tuug reer miyi ah, ayaa ku noolaa carriga Bariga Sanaag, meel la dhaho Dhagax Labaasood, gaar ahaan Corcoro iyo Carmale oo ah meel waraabuhu ku badan-yahay.
 
Qawlaysatadu waxay la baxdaa xoolo nool oo ay markaas cunaan, meeshu waa miyi oo lacag iyo raashin la xadaa ma yaal .. xoolaha la dhaco waa lagugu garanayaa, marka waa in la qashaa oo markiiba la cunaa.
 
Xayte, Xaydh iyo Xuute, waxay ku noolaayeen qawlaysigaa muddo badan. Waxay sidaa ahaatoba,  Tuug Xuute ayaa jaalayaashii u sheegay inuu ka toobad keenayo qawlaysigii iyo tuugadii oo ilaahay ka cabsanyo oo uu ka haray hawshii ay ku jireen. Sidaas ayuuna ka dhabeeyey, oo xoolo ayuu dhaqday oo wuu ka baxay tuugadii iyo hawsheedii. Waa la kala xiriir furtay jaalayaashii ama saaxiibadii muddada badan tuugada wada ahaa.
 
Haddaba goor galab ah ayaa Xuute ka hortegay arigiisii oo inantiisii la joogto si uu uga soo mayraco inantuna ay guriga biyo ugu doonato. Markuu ku soo dhowaaday arigii ayuu wax uu arkay inantiisii oo laba nin la taagan yihiin, markuu soo beegay xaggii inanta ayaa labadii Nin taabacaan oo dhaqaqeen iyaka oo talaabada hoosta ka xadaya.
 
Xuuto inantiisii ayuu keligeed soo gaaray goor ay sii bidhaamayaan labadii nin. Markuu weydiiyey inantiisii cidda ay ahaayeen labada nin waxay u sheegtay inay ahaayeen adeerradeed Xayte iyo Xaydh.
Waaw waa saaxiibadii ayuu yiri markiiba dareen ayaa galay. Arigii ayuu soo xereeyey, isla markiiba wan weyn oo shan jira oo ariga ku jiray oo ka dhaqaaqayey ayuu birta saaray oo gawracay .. Xayte iyo xaydh waxay ku jirazan guriga dugiisa oo waxay sugayaan in reerku kal seexdo , waxayse ku war helaan gawricii wanka.
 
Waxay is yiraahdeen, gacantii go’day ina garay ee haddaba aan wanka oo gawracan aan qaadano. Intii reerkii ay wankii qalayey ay ku sii jeedeen ayaa Xayte iyo Xaydh aqalka xagiisa dambe kala baxeen ilmo yar oo jiifay.
Makiiba dhegta ayey maroojiyeen ilmihii. ilmihii jaqaaq ayuu yiri. Habartii dhashay beerow ba’, waa yeeray ala qaaday,
Xuute waxa uu ku yiri habartiisii naa waa adeeradii ee iska daa’. Ma Hooyo joogaysa war la teg, ayey tiri oo debedda ku booday Xuute waa ka daba booday.
Labadii Tuug, ilmihii kob cidla ah ayey dhigeen oo weliba dhegta sii maroojiyeen, isna jaqaaq ayuu ka sii waray. Waxay soo daba meerteeyeen lamaankii ilmaha dhalay oo waxay qaateen neefkii oo gawracan oo cidii la joogin. Lamaankii waxay soo qaateen ilmihii oo beer-caddaaday oo cidla yaal.
Gurigii ayey ku soo noqdeen mise wankii ma yaal Xuute wuxu ku yidhi islaantiisii imsa ayaan ku lahaa waa adeeradii ee iska jog. Hadda reerka sii ilaali oo la joog ilmaha anaa baadidoon tagee .. Xayte iyo xayd markay dhexda marayaan ayaan midkood loo diray inuu xaabo keeno, kii kalena neefkii ayuu sii qaaday oo meel ay wax ku karsan jireen la qabtay.
Xuute intuu xaabo isku sii raray ayuu beegsaday meeshii ay wada yiqiineen ee ay wax ku qalan jireen .. Xayte oo neefkii ag jiifa oo sugaya xaabadii Xayd ku maqnaa ayuu Xuute ku ag tuuray hilaygii xaabada ahaa oo ku yiri orod oo biyo soo dar ceelka. Xayte ma hubsan ee xagee celka ayuu u dhaqaaqay. Markuu ka ilbay ayaa Xuute dib u soo qaatay neefkii oo gurigiisii la tegay.
Waxa kobtii isugu yimid Xayte iyo Xaydh oo midna biyo sido midna xabo sidoo, hase-yeeshee neefkii uu maqan yahay waxayna noqotay quud aan jirin qoryo u guro, halkaas ayey garteen inuu xuute ka raayey waxay yiraahdeen aan marka hilbo u doonano. Markay u yimaadeen oo ay codsadeen inuu neeka wax ka siiyo waa ugu dhaartay oo yiridi ka wax ka helimaysaabn ee xerada neef kale ka la soo baxa.