Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Gorgorkii Looyar Xoosh Iyo Maxaa Ka Taqaana Ciyaarta Walasaqada

Tuesday - January 1, 2013

Gorgorkii  looyar xoosh dibna ruugiisi awgeed ka dabeyshaday mogdisho  oo duufaan habeenimo ku tuurtay yurub.

 

  Duruufihi siyaasadeed ee dhawaanta ka taagna dalka somaaliya iyo gaar ahaan doodihi anshixinta dawladi C/Faarax Saacid soo dhisay oo tab dhexaad la isku qabsaday iyo muran taagnaa si ay u dhacdaba  kadib, ayaa mudane digtoor looyar Xoosh Jibriil si lama filaan ah bidhaantiisa tilmaameed cirib iyo jaan la waayey meel u dhigay, hasa -ahaate muddo kadib ayaa la ogaaday in gebi-ahanba mogdisho goor kala-haad arooryo waqtii ay daruuraha gurguurteen  iyo jiho aan la garaneyn uu sadcaalay .. Looyar Xoosh warkii ugu dambeeyey intusan ka bixin mogdisho waxaa laga soo wariyey inu yiri  .. ina-laaha  yuxibbul  Al- Xaq .. baarlamaan laba codleynaya iyo xukumadi ummada u boqraneyd  iyagoo dhuquc iyo dhagacleyn  orod ku jira ayey meel  uga dhaceen sharafti ay huwanaayeen oo dasturkii dalka waxaa laga dhigay  xeerarkii habar- dugaag oo kale oo waliba sidi la rabo  loo micneeyey, dalkiina waxaa lagu xukumaya kolba sidi ay ka doonaan iyado  laysugu dhex darayo sharci shuuci, mid muslim, kiristaan iyo xukun keli taliye .. hasa ahaate xoosh waxuu intaa raaciyey in weli xaaladuhu si aada faraha uga bixin oo weli waxay joogtaa heer la daba-qabateyn-karo

Looyar xoosh jibril  waxaa la sheegay isagoo ciil iyo caro la xiiqsan oo sidi DaaÂ’uuska is galay wax loodiya la waayey si hal-haleela  uga dhoofay gegeda dayuuradaha ee  caasimada mogdisho , waxaana ugu dambeyn isagoo duufaanti  Afrika iyo qabowgi Yurubta si muquurtay laga war helay isagoo meel kasta ee dalka yurub looga madalaayo shirar iyo xaflado balaaran is daba yaal oo ka kala dhacay caasimadaha dunida yurub dacaladeeda, kuwaaso sida la yiri waxay taageereen  Xoosh diidmadiisi dharbaaxada quureed iyo tabcada lala helay dalka iyo dadka oo isagu ka mid ahaa xildhibaanadi diiday.

Looyar Xoosh Jibriil Wacdaraha iyo Maraxabka wanaaga lagu soo dhaweeyey iyo sida loo soo agaasimay sidi isagoo dagaalkii labaad ee aduunka  Al-Clamayn guushiisa ka ayb galay iyo taageerayaashisa Reer Jawhar oo isagu waa Xooshe asal ahaan halkaas ku dhashay kuna barbaaray, waxay Reer shabeelle- Jawhar  ee yurubtaas ku nool  oo iyagu ah kuwa ku suntan hadalada san iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqankaan ayey wiilkooda Xoosh ku soo dhaweyen  amaan wac looga  siiyeey, isla markaana sidi wiil curad ah ay Wan buuran u bireeyeen oo waliba ugu yeereen weli-yaal duceeya .. Maxay Qabatay Tawradu .. Maxay Qabatay Tawradu

  Ugu dambeyn halkaan Reer mogdisho gaar ahaan saaxibadiis u kala bakheylay macasalaameyska  Alla waajibiyey  iyo ashtakada tolkiisa oo ah kuwa haddi  uu wax dilo iyo ibtilo dhici-karta magta beys-tayn beys-tayn u bixin-lahaa oo u ka dhuuntay ayaa halkaan u soo dooray ciyaarta Walasaqada ee inta badan laga ciyaaro Jawhar iyo qaar degmooyinka Hiiraan.

1-      Dilli Mayno Dar Bay maynee

2-      Wax Yar Baan Daba Gureynaayee

3-      Adeerow Gabarta Soo Daayeey

Qaybta Dumarka

-          Gabdhihi Quruxsan Baa Qooqdee

-          Qurunley Ways Qar-qarisaayee