Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Puntland-Garowe Oo Looga Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Lagu Magacaabo Dadka

Monday - December 31, 2012

Garowe: Waxaa galabta Hoteelka Aaran ee magalada Garowe ee xarunta Puntland looga dhawaaqay Urur siyaasadeed lagu magacaabay Dadka kaasoo la sheegay inuu yahay Urur siyaasadeedka ay leeyihiin Ummadda Puntland, munaasibad lagu soo bandhigay oo ka dhacday hotel Aaran ayaa waxaa kasoo qayb galay Mamulka Ururka ,Aqoonyahano,Nabadoono, Qurbajoog iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Siciid Yuusuf Nuur oo ka mid ah Aasasayaasha Ururka Dadka ayaa waxa sheegay asbaabta loo unkay inuu yahay sidii wax badan loogu qaban lahaa shacabka reer Puntland, qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ahna u furan yahay ka qayb qaadashadiisa.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee urur siyaasadeedka Dadka Siciid Faarax waxa uu ku xeel dheeeraadey hadafka Ururka iyo tilmaamaha uu bixinayowaxaana uu sheegey qaab dhismeedka Ururka Dadlka inuu yahay mid kooban, wuxuna sheegay inuu u dhisan yahay Aasasayasha ,Gudomiyaha iyo labadiisa ku xigeen iyo Gollaha fulinta.

Hal ku dhaga Ururka ayuu ku sheegay inuu yahay Nabad, Sinaan,Caddaalad iyo Horumar,wuxuna sidoo kale dadkii kasoo qayb galay ugu baaqay inay kaalintooda ka qaateen sidii Ururka loo dhaqaajin lahaa howlaha horyaalana u qabsan lahaa.

Arimaha ugu waa wayn ee ururkaan uu xooga saari doona ayaa lagu sheegay inuu yahay Isbadal-doon dhab ah, Nabadgalyada waarta, horumar joogta ah iyo waliba dhaqaale koraya, waxayna sidoo kale mamulka Ururku ay tilmeemeen in shacabka Puntland loo sameyay loogana baahan yahay inay dhaqalaha Ururka ku saacidaan.

Xukumada Talada Haysa ee Puntland ayay ugu baaqeen madaxda Ururka inay xaq dhowraan mucaaradka ,ayna qabtaan shirwayne lagu lafo guro arimaha ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowlada wax ka tirsanaya.

Nabadoono,Odayaal, dhalinyaro iyo Haween goobta ka hadlay ayaa si wayn usoo dhaweeyay Urur-siyaasadeedkaan looga dhawaaqay magalada Garoowe,waxayna ugu baaqeen inay shacabka si cadaalad ah ugu adeegaan ugana bogsiiyaan arimaha ay tirsanayaan ee dhibaatada ku ah.