Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

M/weyne Xasan Shiikh Oo La Sheegay Inusan Weli La Qabsan Hab Maamuski Baratakoolka Madaxweyne-nimada

Friday - December 28, 2012

Kampala By Asadna Suudi- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuud ayaa habeen hore ka qeyb galay martiqaad casho sharaf ah oo ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ugu samaysey Haweeneyda Soomaaliyeed ee ka mid ah maalqabeennada ee wadankaas Marwo Aamina Xersi Mooge.

Hadaba Maxaan Qoonsadey? markaan baaritaan dheer ku sameysid ama aad khibrad uleedahey habmaamuuska Madaxweynayaasha Ma ahayn in “The Office of the Chief of Protocol” coordinate geeyo in Guri qof shacab leeyahey Madaxweyne Qaran casho Sharaf loogu sameeyo waxeyna arintaas meel kadhac ku tahey dadka u qaabilsan (Diplomatic protocol) waayo waxaa kaliya Madaxweynaha Casho Sharaf Guri ugu sameeyn kara oo kaliya. Safiir (Ambassador) Madaxweyne hore (Ex president) ama qof u tartamaaya madaxweynanimo (Presidential Candidate) balse wixii intaas ka soo hara isaga ayaad mudan in loogu tago meesha uu deganyahay! waana arin lalayaabo in qof shacab ah uu gurigiisa ku balansado the “Head of state” Mas’uulkii ugu sareeyey wadanka.

Koley waxaan filayaa sharaxaad intaas ineey iiga filantahey. balse maalin walba waxaad arkeysaa habacsanaan ka jirta ama Experience la’aan heeysata dadka ku xeendaaban xafiiska Madaxweynha hadey noqonlaheyd safarkii kashifmey ee talyaaniga uga baaqdeyn ama safarkii hore ee ka baaqdeyn Kenya.

Gaba gabadii waxaan iga talo ah iney iska ilaaliyaan shaqaalaha ee arimhaas khuseeyaan inuu Madaxweynahu yahay like GOLD ee aysan Munaasib ku’aheyn inuu xaafadaha lagu sawiro.

Asadnaa Suudi,   [email protected]