Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Wafdigi Ka Socday Dowladda Somaliya Oo Soo Gaaray Kismaayo Kalana Kulmay Waji gabax

Friday - December 28, 2012

Kismaayo:-Wafdi ka socda Dawladda Somalia ayaa la sheegay iney ka dageen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kuwaas oo ay ka mid yihiin  Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Taliyaha Ciidamada xooga dalka iyo Saraakiil kale.

 
Ujeedada Wafdigan, ayaa lagu sheegey in uu maamulka Kismaayo kala xaajoodo adkeynta ammaanka iyo wadashaqeynta Dawladda Soomalia iyo booqasahada Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM iyada oo ay ku dhiiri galinayaan la dagaalanka iyo cirib-tirka Al-shabaab.
 
Waxaase warar lagu kalsoonyahay oo alkaas laga soo tabiyey ay tilaamayaan in wafdigaas shir ay maanta la galeen dayaasha degaanka iyo wax garadka magaalada kismaayo uu ku dhamaaday is af garad la'aan iyadoo la sheegay in wafdigaas odayaashu ka codsadeen in dowladda dhexe ay fara galinta maamulka kismaayo ay kala baxdo.  
 
Waana Wafdigii 3-aad ee Dawladda Cusub ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh u dirto Kismaayo tan iyo intii magaalada laga saarey Al-shabaab,